Prof. Cabdi Cali Iyo Madaxweyne Muuse Biixi: Faallo & Falanqeyn.W/Q: Cali Cabdi Coomay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof. Cabdi Cali Iyo Madaxweyne Muuse Biixi: Faallo & Falanqeyn.W/Q: Cali Cabdi Coomay.
October 18, 2018 - Written by Editor:

Porofosaar Cabdi Cali oo hore isaga casilay agaasimaha guud ee wasaaraddda qorsheynta ayaa qoraallo taxane ah si joogto ah ugu soo qora warbaahinta bulshad, kuwaasi oo uu kaga fal-celinaayey wixii dhexmaray isaga, Madaxweyne Biixi iyo wasiirka qorsheynta. In kasta oo aynu hayno doodda Porofosaarka, ay se maqan tahay doodda dhinaca kale, hadana qoraalkan ugama socdo in aan qarnaqsiiyo. Waxaan se waxoogaa faaqidi doonaa dhacdooyinkii uu sida fiinta uga qayliyey Porofosoorku ee joog iyo jiifba u diiday. Siyaasiga socod baradka ah ee han siyaasadeed lehi waa kii dul iyo dulqaad u yeesha culayska iyo canaanta kaga imanaysa hadba masuulka ka sarreeya ee uu ka hoos shaqaynayo. Xittaa shaqaalaha caadiga ah ee shaqooyinka hoose qabtaa wax badan ayey liqaan si ay muddo shaqada u joogaan oo waayo-aragnnimo u korodhsadaan, sidoo kalena meel halkan ka sarraysa u gaadhaan.

CABDI CALI IYO MUUSE

Dhacdooyinkan hoos ku qorani waa waayo ay soo mareen siyaasiyiin socod barad ahaa ama muddo kooban ku jiray siyaasadda Soomaalilaan oo la soo shaqeeyey madaxweynayaashii soo maray Soomaalilaan. Waxa aynu soo bandhigi doonaa sida ay qaar uga gudbeen socod baradnnimadii, halka kuwa kalena ay ugu fashilmeen hankoodii siyaasadeed:

  1. Madaxweyne Cigaal ayaa xan hoose ku maqlay in nin gacanyarihiisa ahi uu war ay isku-ogaayeen u sheegay dadka kale, markaasuu u yeedhay oo ku xanaaqay, oo uu ninkii ku shubay shaah uu cabbaayey, dabadeed ninkii oo shaadhkiisii shaahii ka muuqdo ayaa ka soo baxay albaabkii xafiiska madaxweynaha, ka dib waxa kaabadii xafiiska kaga soo horbaxay koox wasiiro ah oo ballan la lahaa madaxweynaha, waxa aanay su’aaleen shaahan shaadhka kaga daatay?, markaasuu ugu jawaabay, madaxweynaha ayaa sheeko qosol badan iiga sheekeeyey markaasaan qosol dartii shaahii igu daatay. Ka dib wasiiradii ayaa madaxweynaha ku yidhi, sheekadii qosolka badnayd ee hebel aad uga sheekaysay nooga sheekee. Dabadeed madaxweynihii ayaa ninkii u yeedhay oo arrintiisii dib u eegay, xilkii ka sarreeyana u magacaabay markuu ku qancay heerka dulqaadkiisa iyo wax-liqitaankiisa.
  2. Mid ka mid ah siyaasiyiintii socod baradka ahayd ee reer Soomaalilaan ayaa xilkii wasiirnnimo oo uu muddo yar hayey iska casilay, ka dibna mucaaradka ayuu ku biiray, kiina wuu iska casilay. Wuxuu muxaafid iyo mucaaradba kaga soo baxay muddo afar bilood ah. Sababta ku keentay is-casilaadan deg dega ah ayaa ahayd hab-dhaqankiisa oo wax kasta ka ficil qaata, waana ta keentay inuu hadh cad gacantiisa ku gawraco hankiisii siyaasadeed.
  3. Nin wasiir ka noqday dawladii Cigaal, tii Riyaalana xil ka qabtay oo hadda nool ayaanu sheekaysanay. Wuxuu ii sheegay inta jeer ee uu cannaan, cadaadis iyo culays kala kulmay labadii madaxweyne ee uu la soo shaqeeyey in aanay tiro lahayn. Wuxuu igu yidhi, madaxweynuhu waa bini’aadam mar kasta wax toosan kama helaysid, haddii aanad liqin cannaanta iyo culayska weligaa meel gaadhimeysid. Wuxuu ugu dambayntii ii sheegay in maalin uu madaxweyne Cigaal ‘AHN’ku yidhi isaga oo xil haya “ Ha inna wadahadashiin”. Wuxuu yidhi waan ku qoslay, haye madaxweyne ayaan ku idhi. Muddo markii aanu kala maqnayn, ayuu ii yeedhay oo ii sheegay wixii khaldamay. Haddii aad wax kasta oo shaqada iyo dareenka madaxweynaha oo marar aan deganayn aad ficiltan kaga jawaabto, sidii inan yar oo foodley ah oo naaska la taabtay aad bikh iska siiyo, faashil siyaasadeed ayaad ku dhacday, ayuu ii raaciyey.

F:G= inta badan dadka sheekooyinkani ku dhaceen magacyadooda waan qariyey codsi xagooda ka yimid awgood.

Porofosoorka Maxaa Seegay?

Markaad go’aansatao inaad siyaasadda ku biirto, inta suurtagal ah waxa fiican inaad dib u raacdo raadadka dadkii siyaasadda soo maray dhacdooyinkii ay la kulmeen si wax looga korodhsado oo aan loogu dhicin wixii iyaga ka xumaaday. John F. Kennady oo ka mid ahaa madaxweynayaashii soo maray Maraykanka ayaa laga hayey” Those who don’t learn their past mistakes are likely to repeat it again”. Oo nuxur ahaan noqonaysa kuwa aan waxba ka baran wixii soo maray ee ay khaldeen, khaladkooda way ku celin celin. Porofosoor Cabdi Cali wuxuu liqi kari waayey oo uu dul iyo dulqaad u yeelan waayey laba kalmadood oo uu qoraalkiisa ku sheegay oo uu madaxweyn Biixi ku yidhi. Kuwaasi oo kala ahaa ‘ INA KALA KAXEE iyo HA U MAREEXANAYNIN’.

Porofosaarku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu madaxweynaha ka codsaday jago wasiir iyo wax u dhigma, ka hor intii aanu golaha wasiirrada soo magacaabin. Hadalkaasina waxa ka muuqata inuu han siyaasadeed lahaa, hasayeeshee aanu weelkeedii sii tolan oo dul aanu u lahayn canaanta iyo culayska shaqadu keento. Porofosaarka laba kalmadood liqi waayey, markuu wasiir noqdo wax ka badan muu liqi lahaa ayey su’aashu fadhidaa. Marka dadka haldoorka bulshada u ahi ay wax kasta ka falceliyaan oo ay xamili waayaan culayska iyo canaanta shaqadu leedahay, ee kii tuuga ahaan wax kasta liqo maxaa ummadda u hadhay?

Qoraallada Porofosoorku soo dhigo bartiisa ‘ FACEBOOK’ inta badan waxa ka fal-celiya ardaydiisa oo si weyn ugu sacabo-tuma iyaga oo u haya ixtiraamkii macallinnimo. Hasayeeshee way yar yihiin inta si waafi ah dood ugu toosiya wixii hoos maray ee ahayd inuu saxo. Hadda la soco wixii qabsaday madaxweyne Muuse Biixi markii uu doonayey musharaxaha xisbiga KULMIYE sidii kolba dhulka loo jiidayey, ee uu u liqayey illaa uu maanta madaxweyne noqday. Porofosaar Axmed Ismaaciil Samatar ayaa tilmaamay in isla-toosnaanta iyo Porofosoornnimada xidhiidh ka dhexeeyo. Wuxuu yidhi isaga oo madal ka hadlaya” Ninkii Porofosooro meel isugu keenaa waa nin bisado qol yar isugu keenay”. Wuxuu hadalkan uga socday nin kastaa tiisa ayaa toosan oo kuwa dadka kale way la qalloocan yihiin. Malahayga arrintanina meesha kama maqna.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

COMMENTS
LINKS