Hirdanka Loogu Jiro Qaadashada Qandaraaska Jidka Hargaysa&Kalabaydh Iyo Saamaynta Uu ku Leeyahay Khilaafka Cakiran Ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Hay’ada Wadooyinka!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hirdanka Loogu Jiro Qaadashada Qandaraaska Jidka Hargaysa&Kalabaydh Iyo Saamaynta Uu ku Leeyahay Khilaafka Cakiran Ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Hay’ada Wadooyinka!!
October 18, 2018 - Written by Editor:

Malaga Yabaa Dhismaha Jidka Isku Xidha Hargaysa Iyo Gabiley In Ay Galaafato Doonista Xubnaha Qoyska Madaxwaynaha Jsl?

Hargeisa(W,N):-Khilaafka Culus Ee Mudooyinka U danbeeyay ka Dhex Aloosanaa Wasiirka Wasaarada Gadiid iyo jidadka iyo Mareeyaha haayada wadooyinka Somaliland ayaa noqday mid khilaafkoodu gaadhay in midba midka kale uu u adeegsado awood wixii uu dheeryahay taasi oo keentay In talaabo uu mareeyaha haayada wadooyinku isku shaandhayn ku sameeyay agaasime waxaadyada haayada uu si cad uga hor yimaado wasiir cabdilaahi abokor isagoo waliba u qoray qoraal hanjabaad iyo digniin iskugu jirta maareeye cismaan sheikh cabdi.

hirdanka

Khilaafka cakirna ee masuuliyiinta ayaan ilaa hada wax talaabo ah uuna ka qaadin madaxwayne biiixi Iyadoo ay dibada usoo baxayaan xogo dheeraada oo banaanka keenay halka uu salka ku hayo khilaafka masuuliyiinta kuwada magacabaan digreetada madaxwayne muuse bixii, Xogaha laga helayo xudunta khilaafka masuuliyiinta ayaa daaha ka fayday in uu salka ku hayo kala hororsiga cidii qaadan lahayd qadaraaska jidka isku xidha hargaysa iyo gabiley kaasi oo dhaqaalaha ku baxaya ay Somaliland ka caawinayso haayada GIZ iyadoo qadarka lacagta lagu sheegay in uu dhan yahay 4milyan Oo Dollar.

Hirdan qandaraaska wadada galbeedka ayaa sidoo kale Lala xidhiidhay sobobta uu mareeyaha haayada wadooyinku sameeyay isku shaandhayn iyadoo xogahani tibaaxeen in ujeedada u wayni ahayd sidii meesha looga saari lahaa agaasimaha maamulka iyo lacagta halka dibada laga keenay masuul cusub oo aan xataa kamid ahayd shaqaalaha haayada wadooyinka kuna jirin bayrolka dawlada Dhanka kale wararka dheeraada ka ah ee laga helayo amuurahan ka taagan wasaarada gadiidka iyo haayada wadooyinka ayaa bil dhaamiyay awooda qorsoon ee ay khilaafkan ku leeyihiin xubno kamida qoyska madaxwayne muuse biixi oo iyagu danaynaya sidii ay u qaadan lahaayeen qandaraaska jidka isku xidha hargaysa iyo kalabaydh, kuwaasi oo ay xataa la kala safan yihiin mareeyaha iyo wasiirku. Sidoo kale xubanahan kamida qoyska madxawayne bixi ayaa la sheegay In ay qorsheeyeen sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen gudida qandaraasyada Qaranks  oo iyadu leh awooda shaacinta iyo kala saarista shirkadaha utartamaya dhismaha jidka isku xidha hargaysa iyo gabiley  qorsheeyayna in ay iyagu keensadaan xubanha ka imanaya haayada wadooyinka iyo wasaarada gadiid islamarkaana gudida qandaraasyada ay ka haystaan xubin qoys ahaan ay kalsooni wayn ku qabaan in door wayn ka qaadan doonta  sidii ay ugu guulays lahaayeen  qandaraaskan,

 Arintan ayaa tan iyo intii gudida qandarasyadu shaaciyeen intartan loo gali doono wadadan hadalhaynteeda kusoo badanaysay Bulshada, isla markaana laga qabsi qabaa In ay gabi ahaanba galaafato mashruucan. Wadada isku xidha hargaysa iyo gabiley.

Dhismaha Wadadan isku xidha galbeeka Somaliland  ayaa ubaahan in lagu sameeyo balaadhin iyo samaynta biy mareeno tayo leh balse hadii qandaraaska bixinta jidka isku xidha hargaysa iyo gabiley loo bixiyo qorshahan ay maleegayaan kooxdan qasriga awooda ku leh islamrkaana kamida qoyska madaxwayne biixi ay gabi ahaanba galaafato dhismaha jidka sidii hore u dhacday ee biyo balaadhinta hargaysa oo kale.

 dadwaynaha ku dhaqan guud ahaan gobolada hargaysa iyo gaar ahaan gobolka gabiley ayaa iyagu si dhow ula socda hadba talaabooyinka ay qaadaynso xukuumada madaxwayne bixi taasi oo haddii ay u dhacdo sidan ay doonaya kooxdani  aan kor kusoo xusay ayaa sobobi Karto Fashil Ku yimaada Dhismaha Wadadan oo Ay Ku Deeqayso dawlada garmalku.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS