Cabdi Maxamuud Cumar oo markii Shanaad La Soo Taagay Maxkamad iyo Danbiyada Lagu Oogay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdi Maxamuud Cumar oo markii Shanaad La Soo Taagay Maxkamad iyo Danbiyada Lagu Oogay.
October 19, 2018 - Written by Editor:

Addisabab(W.N):-Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta oo Jimco ah markii Shanaad ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maxkamadda ayaa maanta markale bilawday dhageysiga kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud, iyada oo maxkamadda ay goob joog ahaayeen dad badan oo ehelkiisa ay ku jiraan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Dalka Ethiopia Ayaa Kusoo Eedeeyey Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia in uu galay danbiyo ka dhan ah bani aadamnimadda iyada oo dhinaca kalena lagu soo eedeeyay In uu ka danbeeyay Rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo meelo kale oo ka tirsan Deegaankaasi, kuwaas oo lagu dilay dad badan, hantina lagu dhacay.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa horay dib loo dhigay muddo 14 cisha ah, ma cadda in maxkamadda  Maalinta Loo Qorsheeyey Oo Ah 29 Bishan Ay Xukun Ku Ridi doonto iyo in kale, balse waxaa Hadda dib loo Dhigay haddana Muddo 10 Toban Cisho ah.

Cabdi Maxamuud ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga soo xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii August ee sanadkan, kadib markii baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

La Soco Wararka La Xidhiidha Arrintan Wixii Kasoo Kordha.

COMMENTS
LINKS