“Maxaynu Isku Haysanaa Maanta, Dalkii Aad Ogayd Inta U Naafowday, Inta U Agoomowday Iyo Inta U Leeleeshay, Waxa Ku Nool Koox Dollarka Karsata”Sh Aadansiiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxaynu Isku Haysanaa Maanta, Dalkii Aad Ogayd Inta U Naafowday, Inta U Agoomowday Iyo Inta U Leeleeshay, Waxa Ku Nool Koox Dollarka Karsata”Sh Aadansiiro.
October 19, 2018 - Written by Editor:

“Kursiga Illaahay-Baa Bixiya, Sabab Kasta Qofku Ha Ku Yimaaddee.” Sheekh Aadan-Siira.

“Waxa Nool Koox Dollarka Karsata, Kooxdaasi Qaabka ay u Shaqeeyaan Waa Inuu Adduun helo, Waa inuu Kursi Helo, Inuu Maalintii Kumanaan kun Isticmaalo, Iyagoo Kuwii Xaqa ah Uga Lahaa ay Bakhtiyayaan.”Sheekh Aadansiiro,

Hargeysa (W,N) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Qofka Muslimka ahi ku qanco wixii uu Illaahay siiyey.

Khudbadda Jimcaha oo gebi ahaanteeda ku saabsanayd ‘Qanaacada’ ayaa Sheekhu kaga warramay in dhibaatooyinka haysta Ummadaha Muslimiinta ah xilligan inay ka mid tahay in Dadka hoggaamiya ama hormoodka u ahi aanay ku qanacsanayn wixii Allaah siiyey ama uu u Qadarray, taasina keenayso is-qabqabsiga Bulshooyinka ka dhex jira.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa ‘Qanaacada’ ama in Qofka Muslimka ah ku qanco waxa Illaahay siiyey ee uu ugu talo-galay, hadday Carruur tahay, hadday Adduun tahay, hadday Aqoon tahay, si loo ilaaliyo in aynaan noqon ‘Xadiiqatul Xayawaan’. Xayawaanku siday u kala xoog weyn yihiin ayay isku muquuniyaan, sababtoo ah waxaan jirin Nimcada uu Alle bani-aadamka siiyey ee Caqliga ah ee wax lagu kala saaro. Labadaa sifo waa laba sifo oo ka maqan Dadka Maanta Muslimiinta hoggaamiya iyo inta Muslimiinta u ah hormoodka, taasina waata keentay dhibaatada haysata Dadka Muslimiinta ah intooda itaalka daran iyo intooda u baahan in Caddaalad lagu hoggaamiyo, waxoogana loo ilaaliyo, iyagana la daryeelo.”

Sheekha oo khudbaddiisa sii wada ayaa fasiraad ka bixiyey ‘Qanaacada’,  “Qanaacadu maxay tahay, ? Qanaacadu waa Tiirka ay ku taagan tahay Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan ee uu Illaahay (SW) siiyey Qofka Muslimka ah. Ninka Caalimka ah ee Ibnu Sunni wuxuu yidhi ‘Qanaacadu waa wixii Illaahay kuu gartay sidaa ugu Qanac’ Waayo? Adduunka illaahay baa bixiya, taranka Illaahay baa bixiya, Kursiga Illaahay baa bixiya sabab kasta Qofku ha ku yimaaddee. Markaa Qanaacadu waa in Qofku ku qanco oo uu ka Raali noqdo wixii uu Illaahay siiyey, Qofku waa inuu ku qancaa Qaddarka Illaahay, Waayo? Arkaanul iimaanka waxa ka mid ah inaad rumayso khayrka iyo Sharkaba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maxaynu isku haysanaa Maanta, Dalkii aad ogayd inta u naafowday, inta u Agoomowday iyo inta u leeleeshay, waxa nool koox dollarka karsata, kooxdaasi qaabka ay u shaqeeyaan waa inuu Adduun helo, waa inuu kursi helo, inuu Maalintii Kumanaan kun isticmaalo, iyagoo kuwii xaqa ah uga lahaa ay bakhtiyayaan.”

Sheekhu wuxuu tilmaamay in Qanaacada ay ka mid tahay in aanad dariiq khaldan u marin inaad Kursi ama maal hesho “Islaamku wuu Xaaraantimeeyay Wanaag aad tidhi dariiq xun baan u marayaa. Haddii aad doonayso inaad Kursi hesho waa inaad dariiq toosan marto, haddaad doonayso inaad Maal-qabeen noqoto Dariiqa aad u maraysaa waa inuu yahay Dariiq Xalaasha iyo Xaaraanta kala saaraya, Waayo? Qanaacada laga hadlayaa waa inaad ka tagto Kursiyo sare oo aad doonayso, haddii dariiqa aad u maraysaa khaldan yahay, sidaas ayay Culimadu yidhaahdeen..” ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siira).

HARGEISA SOMALILAND

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS