“Marka la Isku Wada daro Degmooyinka Iyo Daamaha Hargeisa Waa Isku Duruuf Wadooyinku”Maxamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Marka la Isku Wada daro Degmooyinka Iyo Daamaha Hargeisa Waa Isku Duruuf Wadooyinku”Maxamed Dhimbiil.
October 19, 2018 - Written by Editor:

Hargeisa Waa Caasimada Jamhuuriyada Somaliland baahiyaha iyo cabashooyinka yaalaa degmo kasta oo hargeisa ah waa yaalaan, ma jirto degmo waxqabad gaar ah loo qabtay, wadooyinka xaafada Xera-awr iyo Goljano waad yaabaysaa nooca ay u burbursan yihiin.

Marka la isku wada daro Degmooyinka iyo Daamaha Hargeisa waa isku duruuf Wadooyinka Degmada Ibrahim koodbuur iyo 26 june iyo Gacan libaax waa kuwa ugu liita uguna burbur iyo baaba’a badan, maxamud Haybe iyo Axmed dhagaxna waa la mid uun.

Sidaasi oo ay tahay anigu xal uma arko waxa socda, Hargeisa na maaha mid qaybsanta, Golaha deegaankana waxaaba u hadhay bilo kooban.

Su’ aashu waxay tahay, Hargeisa waxa ka socdaa ma xisaabtan iyo baraarug bulshaa, mise waa mucaaradad sawaaban?

Runtu ma fantaa

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS