Waa Maxay Sababaha Qarsoon Ee Loo Baabiiyey Miisaaniyadii Qasnada Qaranka, Wasaaradaheese Loo Leexiyey?Qalinkii; Mustafe A, Habane. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxay Sababaha Qarsoon Ee Loo Baabiiyey Miisaaniyadii Qasnada Qaranka, Wasaaradaheese Loo Leexiyey?Qalinkii; Mustafe A, Habane.
October 19, 2018 - Written by Editor:

Sababahani maaha kuwo dadka intooda badani si fuduud u fahmi karaan, kahor intaanaynu ka jawaabin waa maxay qasnadda qaranku ama keydka miisaniyadda qaranku. Qaran walba oo adduunka ka mid ahi wuxuu leeyahay kayd lacageed oo uu ku ilaaliyo danihiisa iyo masalaxadda dalkiisa iyo dadkiisaba, waa badbaado qaran iyo ka hortag dhibaato iyo aafo qaran oo timaaddaba waa difaaca kaliya ee xal loogu raadin karo mushkiladaha qaranka soo wajaha, waa keyd horumarineed oo looga faa’iidaysan karo barwaaqadda roobabka sida mashariica biyo xidheeno iyo wax-soosaarba loogu abuurki karo.

Khasnadda Guud muhiimaddeedu ma aha mid aan soo koobi karno. Bal aan  eegno boqollayada ay ka joogtay

miisaniyadda qaran afartii sano ee la soo dhaafay. Sannadii 2014-kii waxay ahayd 18%, sannaddii 2015 –kii waxay ahayd 22% sannadii 2016-kiina waxay ahayd 21% sanadii 2017 kiina waxay ahayd 23%  oo lacag ahaan u dhigmaysa  358,603,761,931 SL/Shilling,  Sanaddan 2018 ka Qasnada Keydka Qaranku waa 0%.

Haddaan xusno sababaha ugu waawayn ee loo baabiyay Qasnadda Qaranku waxay ahayd in lacagteedii loo wareejiyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska madaxtooyada  iyo Hay’ado ama Wasaarado kale oo aan ku falanqayn doono, maqaaladeena kale.

Lacagta loo kordhiyay Wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska Madaxtooyadu waxay ka badantahay wasaraado tiradoodu dhaafayso 15 wasaradood. Sidoo kale taariikhda waa markii ugu horaysay ee miisaniyadda wasaraadda maaliyaddu iyo tan madaxtooyaddu waddartoodu ka baddato Ciidanka Qaranka JSL. Waa ciidanka milaterigee.

Sobobaha qarsoon waa kuwa aan ka doodi karno, inagoo tixraacayna qorshaha miisaniyadda qaranka 2018 ka, tusaale ahaan korodhka miisaniyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waa 140,324,423,132SL/Shilling  iyadoona shaqaalo cusub la qaadan lama kordhin mishaarkha shaqaalah, taa macaneehudu waa in lacagtani waxa horumara dantii guud gees martay. Hadda waxaa la sii daynayaa waarankii ugu danbeeyay ee haayaddaha madaxbanaan iyo wasaaradduhu ku dalbanayaan lacagtii ugu danbaysay miisaniyadoodii sanadlaha ahayd. Tani waxay ka dhigantahay in shaqadii qaranka u hayeen la fuliyay 70%.

Sidaas oo ay tahay wasaaradda horumarinta maaliyadda kama muuqato wax- horumara oo ay ku samaysay shaqooyinkeedii sidoo kale lacagtii xad dhaafka ahayd ee miisaniyadeeda ku kordhay ma aragno mashariico waawayn oo lagu abuuray. Tani waxay caddayn u tahay in qorshaha lacagtani loogu tali galin wax-qabadka bulshadda. Waxa se ka sii daran in la taliyayaal  faro-badan la magaacbay kuwaasi oo macnaheedu yahay in lagu saaro lacagta ka awoodda badan miisaniyaddii wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Haddaan isbar-bardhig kooban ku samayno Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda inta ku korodhay sannadkan 2018-ka waxay ka badan tahay miisaniyadda 13 Wasaradood, intaas waxaa dheer in miisaniyadda wasaaradda maaliyadda iyo Hay’adda JSL oo dhan, 12 wasaradood iyo Maxkammadaha iyo Hanti-dhowrka ay ka badantahay Miisaniyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu.

Is bar-bardhiga Wassaaradda H. Maaliyadda Iyo Wadarta Miisaniyadda 12+ 7 hay’addood ee qaranku leeyahayba sanadkan 2018, + Maxkammadda Sare + Maxkammadaha Hoose + Xeer Ilaalinta Qaranka + Hanti Dhawrka,  waxaa ka badan Wasaaradda H. Maaliyadda _ Horaa Loo Soconayaa.( tani waa sobobta ugu way ee loo baabiyay Miisaniyadii Qasnada Qaranka).

Wasaaradda Shaqo-galinta, A. Bulshada & Qoyska 9,850,661,762

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. 11,620,355,184

Wasaradda Xidh Golayaasha  iyo Arimaha Distorka 6,277,580,288

Wasaarada H. Maalgashiga 4,488,067,648

Wasaaradda Macdanta & Tamarta. 6,956,328,344

Wasaaradda Degaanka & Horumarinta Reermiyiga 12,763,932,016

W.Qorshaynta & Horumarinta Qaranka 10,858,961,824

Wasaaradda Diinta & Awqaafta. 5,007,952,864

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska 15,350,244,862

Wasaaradda H. Biyaha 15,572,815,976

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 10,427,989,821

Hay’adda Diiwaanka Sakada iyo Safalka 2,268,187,392

Hayada u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka R. 8,810,177,816

Duulista & Hawada. 13,982,992,369

Hay’adda Dhawrista Tayada 3,487,902,432

Hayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha 5,718,956,124

Hayadda Sirdoonka Qaranka ;12,919,236,228

Maxkamadda Sare. 5,437,107,872

Max-kamadda Hoose. 23,666,325,856

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka. 6,560,035,760

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. 10,841,449,600

Waddarta Guud ; 218,764,203,225

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ;232,645,589,152

Waddarta Miisaniyadda 12 wasaradood + 7 Hay’addood + Maxkamadda Sare + Maxkamadda Hoose + Xeer Ilaalinta Qaranka + Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. Waxaa ka badan Miisaniyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda (Horaa loo soconayaa) tani waa sobobta ugu wayn ee loo baabiyay Miisaaniyaddii Qasnadda Qaranka Jamuuriyadda Somaliland.

La Soco Qaybo Kale iyo Lafa-gurka Miisaaniyadda 2018

Qalinka:  Mustafa A. Habane

M.A Governance and leadership

Somaliland , Hargeisa

Sha’ab Area /+252-634404520 +252-65-9777731

 

COMMENTS
LINKS