DAAWO; Qoyska Leh Dhulka Madaxtooyada Cusub Laga Dhisayo Oo Soo Bandhigay Sharciyada Ay Uhaystaan Dhulkan Iyo fariin Qiiro Leh Oo Ay Udireen Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Qoyska Leh Dhulka Madaxtooyada Cusub Laga Dhisayo Oo Soo Bandhigay Sharciyada Ay Uhaystaan Dhulkan Iyo fariin Qiiro Leh Oo Ay Udireen Shacabka Somaliland.
October 22, 2018 - Written by Editor:

Oday Maxamed Xasan Dalab oo meel adag ka istaagay dhulka uu degan yahay oo xukuumada madaxwayne muuse biixi Xoog Madaxtooyo Cusub kaga Dhisayso.

HARGAYSA()Qoyska leh Dhulka Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Ka dhisayso madaxtooyada cusub ee ku yaala galbeedka hargaysa Oo mudooyinkii udanbeeyay warbaahinta marinayay cabasho ay qabaan ciidamado xoog ku dhisanaya dhulkan ay degen yihiin ayaa fariin culus udiray xukuumada Somaliland, Golayaasha kala duwan ee Qaran, xisbiyada mucaaridka iyo guud bulshada reer somaliland iyagoo ugu  baaqay in laga soo gaadho cadaalad darada lagu hayo.

maxamed dalab

Oday Maxamed Xasan Dalab oo ah Aabaha qoyskan leh dhulkan laga dhisayo madaxtooyada cusub isla markaana xiligan ay ciidamo xoog ku dhisayaan ayaa Soo bandhigay xukumadii kala duwanaa ee maxkamadada Somaliland ugu xukumeen ilaa ay gaadhay heer fulin loo sameeyo  isagoo  fariin qiiro leh udiray shacabka Somaliland  sheegay in mudo 20sano ah lagu haystay dhulkan markii ay maxkamaduhu usoo wada xukumeen fulina loo sameeyay ay xukuumada muuse biixi  ciidan  dhul dhigay,

Dhanka kale Maxamed Xasan dalab ayaa shaaciyay in uu dhulkiisa dhacsano Ama ku Dhimanayo,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

https://youtu.be/dohAHGPjuig

Halkan Hoose Ka Akhri Xukunada Dacwadihii Maxkmadaha Dalka Somaliland U wada Xukumeen In Loo Fuliyo.

 

COMMENTS
LINKS