Halkan Akhri; Maansada “Dawladnimo Ma Beenbaa”! Abwaan Sacad Gadhle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri; Maansada “Dawladnimo Ma Beenbaa”! Abwaan Sacad Gadhle.
October 24, 2018 - Written by Editor:

Maansada waxaa curiyay Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle,Maansadan oo magaceedu yahay (Dawladnimo Ma Beenbaa ) Midhaha Maansadani xambaarsan tahay oo  duurxull ah waxay tilaamayaan sida Bulshada S/land baahi wayn ugu qabto Madax Runta ku hogaamisa oo ku dhaqanta Dastuurka,Sharciga iyo Xeerarka S/land,oo ka dhabaysa la dagaalanka Musuq-maasuqa,kobcinta Maamul wanaaga si Bulshada S/land u hesho Cadaalad iyo Garsoor xaq ah.

Waxayna Midhaha Maansadani ku bilaabmayaan sidan :=

Dawladnimo ma beenbaa ?

Ma boobiyo xatooyaa ?

Booliga ku naaxbaa ?

Dulmi baaxad wayniyo

Musuq baahsan kii galay

Bilad sharaf ku siibaa ?

Ma dadkaagan balanbalay

Bayhoofka magansaday

Sarif bararrku daashaday

Bilo kaga macaashoo

Danta guud ku baadhaa ?

Baasow hall iga maqan                           

Iyo baadi igu mudan

Mudo baafinteedii

Dhulka baaxadiisiyo 

Buuraha dushoodiyo

Badahaa u soo maray

Wali buuga maansada

Baalkeeda kuma darin

Cabdiyow badheedhaha  

Buddhigeeda maansadu

Waa barmaamij gaaroo

Garashada burhaanta leh

Burjigeedu adag yahay

Lagu soo bardaanshoo   

Wanaagay ku baaqdaa

Baadilkay la dirirtaa

Nabad lagu badhaadhiyo

Barkhaday ka talisaa

Barwaaqaa ka dhalatoo

Dhalintiyo barbaartuna

Farxadiyo bishaariyo

Bariidiyo salaantiyo  

Boodada ciyaartiyo

Botorkay wadaagaan

Marna waa bildhaanoo

Waa bayaan abwaanoo

Baadi sooc aqooneed

Lagu soo bineeyoo 

Nabarada bukoodiyo    

Baylahday tilmaantaa

Maantana bulaalow  

Suugaanta baaqa ah

Maansada buruudka leh

Ball aan kugu su’aalee

Dawladnimo ma beenbaa ?

Ma boobiyo xatooyaa ?

Dulmi baaxad wayniyo

Musuq baahsan kii galay

Bilad sharaf ku siibaa ?

Ma dadkaagan balanbalay

Bayhoofka magansaday

Sarif bararku daashaday

Bilo kaga macaashoo 

Danta guud ku baadhaa ?

Burjuwaasi talin kara       

Bulsho wayn matali kara

Kala baydh hannkoodoo

Socod baradka dooroo

Bayd gaabka siibaa ?

Dhaqan biis haduu jiray

Xukun biiska dooraa ?

Ma dadkaagan barakacay

Boqontooda kala taal

Dawo lagu bogsoodiyo

Talo kala bakhaylbaa ?

Dadka xumaha beeree

Bulshadii midaysnayd

Boqol qoys ka kala dhigay

Xillka culus ku baadbaa ? 

Anna maanta baasow 

Mudo baadhistaan waday

Maankaygu kama bogan

Baandhayna kama dayn   

Dadka barakacoodiyo

Baaba”oodu muuqdee 

Baraduu awoowgood

Boqol sanno ku noolaa 

Buul aan ka dhisi karin

Beerna aan ka qodan Karin

Bootadooda dagi karin

Talo lagu bogsoodiyo

Uga dhigay baxnaanee

Cabdiyow ball baandhee

Dadka baadiyoobee    

Tacabkii doraad ba”ay

Cashar aan ka baranee

Taladoodu boodhkiyo

Buladkaa dhex jiifee

Burbur dhaqan ku dhacayee  

Balaayadu la daristee

Maskaxduna basaastee  

Tafaraaruq baahsani

Beerkiyo calooshiyo       

Boga hoose kaga dhacay

Talo lagu bahoobiyo

Uga dhigay baxnaanay

Cabdiyow ball baandhee  

Waxuu bandhigeedu yahay

Tartan baaxad waynoo

Baanaha qabiilkiyo

Bulsho qaybinteedii

Foodka loogu borotamay

Ninkastoo ku badiyoo

Madaxnimo ku beegsaday 

Waxuu biiyo mooyee

Waxuu biirinaayoo

U badheedhayaan jirin

Badanaa aduunyada           

Madax beerta caydhiyo

Baahida docdoodii

Lagu soo barbaarshoo

Booliga ku naaxoo

Boobkiyo xatooyada

Boholyow u soo qaba

Badanaa aduunyada

Nin ka baydhay xeerkoo

Wax kastoo bulaalow

Baryo laga xishoon jiray

Buundada ku dhaafoo

Balankuu shalay galay

Banaan kaga dhaqaaqoo

Wacadkiina baal maray 

Waa duni bardaankii

Cadaaladii ka baydhoo

Basanbaaska waayuhu

Sheeko baralay weeyoo

Bulsho waxay tabaysaa  

Mas”uul baylah tirayoo

Barbarkooga joogoo

Boogtooda dhayayoo

Ceebtooda biiyoo

Talo wacan ku biirshoo  

Meeshaad baneeyaan

Talo wacan ku buuxshoo

Ka badbaadiyaan jirin

Beel=beel la dirirtiyo

Balaayada qabiilkii

Boqontooda goysee

Bawdada ka jabisee

Bulshadeena daashaday

Waxuu bandhigeedu yahay

Bulshadii midaysnayd 

Bahalaa ku hoos jira

Baanado u haystoo

Bool=bool u furayoo

Taladooda buuqiyo

Hadal borobagaandiyo

Buun=buunin xoogiyo

Bundad wayn ku furayoo

Hore looga bixi Karin

Cabdiyow ball baandhee 

Waxuu bandhigeedu yahay

Garashaa la bidayee

Buudhiga nin saaraa   

Waxuu baajin karayuu

Ku bakhaylaybaa jiray

Inkastuu nin baacsaday 

Sharcigiina baal maray

Badawsiga halmaanka leh

Mudo badan ku soo hagay

Baasow ball faalee

Habka looga baxayee

Dulmi loogu babacdhigo

Murtidana ku soo beeg

Bartuu yoolku haystee 

Bulshadeena lagu dago ?  

Dhamaad Maansada (  Dawladnimo ma beenbaa ) Ee Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land .

COMMENTS
LINKS