Robin van Persie oo go’aansaday in uu ciyaaraha ka fadhiisto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Robin van Persie oo go’aansaday in uu ciyaaraha ka fadhiisto
October 25, 2018 - Written by Reporter:

Robin van Persie oo hore ugu soo ciyaaray kooxaha Manchester United, Arsenal iyo dalkiisa Netherlanads ayaa sheegay in uu ka fadhiisanayo kubbadda cagta dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Soddon iyo shan jirkan ayaa bishii January dib ugu laabtay kooxda Feyenoord oo ah meeshii uu ciyaaraha ka billaabay isaga oo 17 jir ah, dalkiisana wuxuu u dhaliyay 50 gool isaga oo u saftay 102 kulan.

Markii uu England ka ciyaari jiray Van Persie wuxuu ku guulaystay FA Cup isaga oo Arsenal ka tirsanaa, markii uu United ku biirayna wuxuu la qaaday Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

“Goormay tahay in aan ciyaaraha ka fadhiisto?” waxay u badan tahay dhammaadka xilli ciyaareedka,” ayuu yidhi.

Waxaan markaas noqon doonaa 36 jir, 18 sano ayaana xirfadan ku soo jiray. Markii aan shan sano jiray ayaanse kubbad ciyaaridda soo billaabay.”

2c04fbfe-77ba-457f-9e5b-ab31ade15571

COMMENTS
LINKS