Sheekh Aadan-Siiro oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Dedaalkeeda Iskugu Geyso Joojinta Dagaal-beeleedka Koonfurta Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadan-Siiro oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Dedaalkeeda Iskugu Geyso Joojinta Dagaal-beeleedka Koonfurta Gobolka Sool
October 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Dagaal Toddobaadkii hore deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool ku dhex maray laba Beelood oo Walaalo ah, kaasi oo khasaare badan ka dhashay.

Sheekh Aadan wuxuu baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay Koonfurta Sool, waxaanu u soo jeediyey in aanay Macno-darro dhiiggooda ku daadin, sidoo kalena wuxuu Xukuumadda u soo jeediyey inay dedaalkeeda oo dhan iskugu geyso sidii colaaddaa loo soo Afjari lahaa.

Sheekha oo Arrimahan kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Maanta ayaa yidhi “Khudbaddani waxay ku saabsan tahay inaynu farriin u dirno Walaalaheena isku dilaya Koonfurta Gobolka Sool iyo inaynu ka warrano Qofka Muslimka ah dhiiggiisa iyo dhibaatada uu Aakhiro leeyahay iyo waxyaabaha ka dambeeyay Dilka ka dhex socda Waddamada Muslimiinta dhexdooda.”

Sheekhu wuxuu sheegay in Dagaallada ka socda gudaha Waddamada Muslimka ay door ku leeyihiin Waddamada reer Galbeedka “Nimanka dunida haystaa waxay soo saareen haddii Dadka dunida ku nool tiradoodu dhaafto 6 Bilyan iyo 7 boqol oo Milyan, Dad badan buu Raashinku ku yaraanaya, markaa waxa habboon in badan la gaagaabiyo (laayo), haddana waxay isa sii waydiiyeen waa ayo Cidda la gaagaabinayaa? Waxay yidhaahdeen Waddamada Muslimiinta ah waa in la yareeyo, Waayo? tarankoodii baa badan, hadday sidaa ku sii socdaan boqolka sanadood ee soo socdana waxay keeni doonaan inay wax badan dunida ka beddelaan.  Markaa innaga oo waxaas oo dhanka Qalbiga ku hayna waxaynu farriin u diraynaa Walaalaheena Somaliland gudaheeda ku nool ee koonfurta Sool isku dilaya, waxaanu leenahay Dagaalkaasi Sharci iyo Caqli ahaan wax uu ku salaysan yahay ma jirto.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka warramay sida Illaahay SW uu Addoomadiisa uga digay Dilka “Aayadda 93 ee Suuratu A nisaa waxa uu Illaahay ku yidhi ‘Qofka dila Qof mu’mina isagoo u kasaya, Abaalkiisu waa Jahanaba, Jahanaba ayuu ku waarayaa, Ilaahay baa u cadhooday, Raxmaddiisa ayuu ka fogeeyay, waxaanu u diyaariyey cadaab weyn….” Markaa Dagaalka halkaa ka socda waxa wada haysata ‘Aayaddaa’, Waayo? Qofbaa iska dhintay oo la isla dilay islaamka meel ay ku taallaa ma jirto.”

Sheekhu wuxuu sheegay in sababaha keenaya Dilalka ku soo noqnoqda Somaliland inay ka mid tahay inaan Dawladdu Qisaasin Dadka Dilalka u xidhan “Waxyaabaha dilka keenaya ayaan idiin sheegayaaye, Markii Ceel Af-weyn lagu heshiiyey, Ninkii dilay Gabadha Shanta Carruur ah lahayd ayaa weli Dawladdu haysaa, Nin kibray oo dhul ama waxaan waddo lahayn ku dagaalamaya haddii la raacin waayo Qofka uu dilo (Dilku joogsan maayo). Illaahayna wuxuu yidhi ‘Nolol baa idiinku sugan (Qisaasta)..’. ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Shan Boqol in ka badan oo Waalidkoodii yidhaahdeen Qisaasa ayaa jeelasha ku xidhan, Waar marka Ninku wax dilo ee Dadkii Magta qaadan waayaan ee ay yidhaahdaan halla noo dilo ku dul dila (Qisaasa), haddii kale Dilku istaagi maayo.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaatay sida Rasuulkeena Muxamed (CSW) uu uga digay in la taageero Cid qorshaynaysa inay Dil geysato “Qofka Qof dilkiisa ku caawiya Kalmad badhkeed ee ku darsada, Qiyaamaha wuxuu soo baxayaa isagoo labadiisa indhood dhexdooda ay kaga qoran tahay ‘kaasi naxariistii Illaahay wuu ka quustay’ ayuu yidhi Rasuulku CSW. Imika Rag baa rasaasta bixinaya, Rag baa Lacagta soo diraya, Qaar-baa Abaabulka ku jira. Waar dhiigga Muslimka hala iska ilaaliyo. Waxaanu leenahay waar Dagaalka joojiya, Xukuumadda waxaanu leenahay Adduunkaad haysaan oo dhan ku bixiya in dagaalkaasi joogsado, Sababtoo ah dagaal kasta oo dhacaa kuma koobnaado halka uu ka dhaco, waa la isku soo dhex raacaa dagaallada noocaas ah, taasina waxay keenaysaa (Dhibaato kale), markaa waxaanu leenahay Xukuumadda iyo inta damiirka leh waa in laga hor-tagaa dagaalkaa (Sool) ee aan waddada lahayn iyo dagaal kasta oo la hurrinayo.”

Sheekha oo khudbaddiisa sii wada ayaa tilmaamay “Soomaaliya waa lagu kala tagay, Somaliland bay nabadi ka jirtaa, iyadana waxa la doonayaa in lagu kala tago, markaa waxaan leeyahay waar dagaalladaas hala sabaaleeyo sidii loo dhamayn lahaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay dhallinyarada habeenkii Dadka baadha “Nabadgalyada, imika Guryaha hortooda ayaa Hablihii lagu baadhanayaa, Inan yar oo aad garanayso oo inna hebel ah oo kibray oo doonaya inuu Maalintii 30 dollar isticmaalo oo uu Xashiishad iyo Khamri uu hablaheena ku baa’biiyo ayaa Carruurta baadhanaya, taasi socon mayso, Waayo? isagana kow baa lagaga siin doonaa, Dabadeedna way sii fidi doontaa (Haddii wax laga qaban waayo). Waxaanu leenahay waar hala qab-qabto dhallinyaradaa, innaguna aynu Adduunkeena ku bixino Booliskana adeegsano, Bulshadu ha is abaabusho oo aynu Waxyaabahaas sifayno.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka 

 

COMMENTS
LINKS