Somaliland iyo Jabuuti oo Ku Loolamaya Dhuumaha Qaada Shidaalka Ee Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland iyo Jabuuti oo Ku Loolamaya Dhuumaha Qaada Shidaalka Ee Itoobiya
October 29, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay hamiyayaan in dhuumaha qaada shidaalka laga helay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga dhoofiyo Dekadda Berbera.

Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Itoobiya ay gaadhsiiyeen codsi ku saabsan in la siiyo qandaraaska dhuumaha maadaama ay aad isugu dhow yihiin labada Dal.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay inay awood u leeyihin qaadista dhuumaha shidaalka.

Waxa uu tilmaamay Wasiirku in codsigooda dowlada Itoobiya uu yahay mid ay ku doonayan inaan dhuumahasi shidaal laga dhoofin Dekadaha dalka Jabuuti.

Wasiirka Macdanta Somaliland oo wareysi siiyay wargeyska Bloomberg ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay dhoofiso shidaalka iyo Gaaska cedhin ee laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya.

“Weynu awoodna in qandaraaska dhuumaha la soo mariyo Dekeda Berbera waana u sheegnay Itoobiya in dalabkayagu uu yahay in nala siiyo qandaraaskaas si aynu uga faa’iidno”.

Wasiirku waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay ka codsadeen arrintaas islamarkaana jawaabta iyaga ka sugayaan.

Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay in Dekadda Berbera iyo goobaha laga helay shidaalka ay isu jiraan 400km oo kaliya halka dekadaha Jabuuti iyo halka laga helay shidaalka ay isu jiraan 700km taasina ay Somaliland siineyso fursad.

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti ayaa Itoobiya ka dalbatay in dhuumaha qaada shidaalka laga helay Deegaanka Soomaalida laga dhoofiyo dekadda Berbera Somaliland.

Dowlada Itoobiya ayaan wali jawaab waafi ah bixin dalabka kaga imaaday Somaliland iyo Jabuuti oo ku loolamaya Dekadda laga dhoofin lahaa dhuumaha qaada shidaalka.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS