Wiilashii bohosha Thailand ku xayirmay oo guusha Manchester goobjoog ka ahaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiilashii bohosha Thailand ku xayirmay oo guusha Manchester goobjoog ka ahaa
October 29, 2018 - Written by Reporter:

Labo iyo tobankii wiil ee yaryaraa ee labada toddobaad ku xayirmay bohosha dhulka hoosteeda ah ee dalka Thailand ayay riyadoodu u rumawday waxayna garoonka Old Trafford ku daawadeen ciyaartii Manchester United ee Axaddii.

Sheekadda wiilashan iyo tababarahooda ayaa qabsaday adduunka bishii Luulyo ka dib markii ay bohol dhulka hoostiisa ah ku xayirmeen, waxaase markii dambe soo badbaadiyay koox biyaha mukhuurata.

Ciyaartan ayaa lagu marti qaaday in ay daawadaan ka dib markii sida cajiibka ah loo soo badbaadiyay wakhtigaas.

Balse warka imaanshahooda waxaa qariyay geerida ku timid mulkiilaha kooxda Leicester City ee reer Thailand.

Vichai Srivaddhanaprabha, labo ruux oo u shaqaynaysay, duuliye iyo qof kale oo la socday ayaa ku dhintay shil ay gashay diyaaraddii ay saarnaayeen oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ku dhacday bannaanka garoonka kubbadda ee kooxda.

 

COMMENTS
LINKS