Wiilkii Waayihiisa Uga Waramay Wadaadka!!Qalinkii; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiilkii Waayihiisa Uga Waramay Wadaadka!!Qalinkii; Barkhad-ladiif.
November 3, 2018 - Written by Editor:

Salaadii cisha’i markii laga baxay ayuu wadaad ka dhex kacay masaajidkii aan ku tukanayey, waxa uu ka sheekeeyey nolosha qalafsan ee ay ku nool yihiin dhalinyarteena iyo sida aanu waalidku iyo inta ku xeerani uga war hayn.

Wadaadku wuxu noo sheegay inuu habeen dhowayd isagoo goob ka hadlaya oo wacdi ka wadda uu wiil dhalinyaro ahi soo ag istaagay oo uu dhagaystay wacdigii uu waday, markii uu dhameeyey wacdigi ayuu wiilkii dhalinyarta ahaa u yeedhay wadaadkiii kuna yidhi gaadhi uu watay soo yara fuul waxaan kaa doonaya tallo inaad i siisee.

maqaal

Ka dibna ninkii wadaadka ahaa gaadhigii buu wiilkii la fuulay, waxaanu wiilkii hadalkiisa ku bilaabay sidan “ laba sanno ka hor quraan xifdi baan ahaa oo sodankaba dhekadaan ka hayey,nasiib daro imika waxba kama hayo oo waxaan bartay xashiishadda oo aan hadda cabayey, waalidkey war iima hayo aniguna hoostaan ka ololayaa oo nin hoosta ka gubanaya oo dadkiisiina war ka hayn baan ahay, aabahay salaada subax inta uu i toosiyo ayuu masaajidka na geeyaa, anna anigoo caag ah ayaan intaan is qoy qooyo tagaa oo soo noqday waayo nin xashiishad cabayaa salaada ma tukan karo, aabahayna waa hebel (waa nin uu wadaadku markii dambe gartay), imika anigoo halkan maraya ayaan wacdigaaga usoo leexday oo iska dhagaystay si aan ugu dego ee maxaad igula talinaysaa sheekh”.

Wadaadkii inta uu yaabay oo uu waxaan uu ka sheekaynayo u qaadan waayey ayuu ku waaniyey inuu diinta ku faro adeego oo uu ku soo noqdo cibaadadda.

Wadadku wuxuu noo sheegay in dhalinyartan la canaanayo ee timaha xiirtay iyo surwaalka ka dhacaya ku haysano inay hawlo ka waaweyn oo aan la ogayn ku jiraan waalidkii iyo dadkii kalena aanay war hayn, waxaanu sheegay in daroogaddii oo la soo casriyey oo alaabtii lagu yaqaaanay mid aan ahayn lagu soo guro dalka la keeno.

Sheekadaasi mid la mid ah waxa isna iiga sheekeeyey wiil dhallinyaro ah oo sheegay in dhalinyaro badan oo aad u da’yari imika ku mudan xashiishada, waxaanu sheegay inay jiraan siyaabo lagu garanayo marka ay kaa hor yimaadaan, isagoo xusaya in wakhtiyada qaddada inta badan lagu arko iyagoo sharaabka Sprite laadlaadsanaya, waxaanu ii sheegay in maado ku jirta ka yara jabiso xashiiida sidaasna ay ku dhaqdhaaqaan kuna socon karaan, hadii kale aanay hurdadda ka kaceen, inta badana way oomaan oo ay adagtahay inay wakhtiyada kulul socdaan iyagoo geedadka hadhka leh hoos fadhiya maalintii baa intooda badan la karo, isagoo ii tilmaamay meelo ay caanku yihiin inay fadhiistaan oo ay ku cabaan dhallinyartaasi.

Daroogada xashiishada ayaa dalka ku soo badanaysa dhallinyaro badana qaba timaan oo ay balwad u noqotay.

Dhinaca kale, waxa jira dhallinyaro habeenkii khaatiyaan ka dhigtay shacabka oo habeenkii dhaca, iyadoo meelaha qaarkood fiidka aan la socon Karin, waxaana looga caagay da’yartaasi dadka dhibaysa.

Dhalinyartu waxa ku jirta xoog ay doonayaan meel ay iskaga saaraan, hadii aan la jihayn waxay noqon doonan kuwo nolosha ka dhaca, kuwo tuug noqdo iyo qaar balwado kale u go’a.

 

Qalinkii; Barkhad-ladiif  Maxamed Cumar

COMMENTS
LINKS