Hooyo dalbatay in ay wiilkeeda aragto ka hor inta ayna dhiman | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hooyo dalbatay in ay wiilkeeda aragto ka hor inta ayna dhiman
November 4, 2018 - Written by Reporter:

Haweeney u dhalatay dalka Ciraaq oo qabta cudurka Kansarka ayaa lagu wadaa in loo duuliyo dalkeeda Ciraaq si ay halkaasi ugula kulanto wiilkeeda oo 8 jir ah.

Arij Altai, oo 38 jir ah ayaa waxaa loo uruuriyay lacag dhan £60,000 si loogu kireeyo diyaarad gaar ah oo u qaaday dalka Ciraaq.

Arij ayaa timid Southampton shan sano ka hor si ay jaamacdda Southampton uga diyaariso shahaada PhD ee luuqadda iyo suuganta.

Ka dib markii laga helay cudurka Kansarka ee dilaaga ah ayay iska joogtay dalka Britain markaasi oo seygeeda iyo wiilkeeda yar ay dib ugu laabteen Ciraaq bishii September.

Deborah Cornah oo ay saaxibo yihiin Mrs Altai ayaa sameysay bog qaadhaan uruurin loogu samaynayay waxa ayna tidhi”waxaa naga qaalib noqday deeqaha ,waad mahadsan tihiin.”

Mrs Altai ayaa doonaysa in ay mar kale aragto wiilkeeda Cali, waxayna sheegtay: “ma doonayo in aan dhinto hadda ka hor inta aanan arkin wiilkeyga.”

Mrs Altai ayaa aad u xanuunsan waxayna doonaysaa in ay wiilkeeda aragto

Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in toddobaadyo oo kali ah ay noolasheeda uga hadhsan tahay oo ay dhiman doonto .

Waxaa imika haweenaydan ay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasah u diyaariyeen duulimaad gaar ah oo 6 saacadood qaadan doona oo lagu gayn doono magaalada Baqdaad.

Mrs Altai ayaa la rajaynayaa in dalkeeda Ciraaq loo duuliyo saacadaha soo socda.

 

Source: BBC SOMALI

COMMENTS
LINKS