Ilmo siddeed iyo toban bilood jira oo bad laga soo badbaadiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ilmo siddeed iyo toban bilood jira oo bad laga soo badbaadiyay
November 5, 2018 - Written by Reporter:

Kaluumaysto reer New Zealand ah ayaa badda ka soo badbaadiyay Ilma Yar oo 18 bilood jira, arrinytaas loo lagu tilmaamay “mucjiso mar la arag ah”.

Gus Hutt oo ku sugnaa xeebta Matata Beach ayaa isaga oo kaluumaysanaya arkay wax yar oo biyaha dul heehaabaya.

Wuxuu markii hore u qaatay caruusad markii uu oohin maqlay ayayse u caddaatay in uu ilmo yar yahay.

Wiilka yar ayaa ka soo baxsaday taandho uu waalidkii kula sugnaa badda ayuuna ku soo dhacay.

“Boonbale ayaan u qaatay, xataa marrkaan gaadhay meeshii uu biyaha kaga sugnaa een qabtay gacantiisa, wali Caruusadii ayuu ila sii ahaa, ayuu yidhi Hutt oo la hadlay warbaahinta gudaha ee NZ Herald.

“Markaas ayaan idhi Alla Illaahayoow waa ilmo yar wuuna nool yahay”.

COMMENTS
LINKS