Qalinka ama tooshka laserka oo dalka ingiriiska khaatiyaan laga taagan yahay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalinka ama tooshka laserka oo dalka ingiriiska khaatiyaan laga taagan yahay!!
November 5, 2018 - Written by Reporter:

Dalka ingiriiska (UK) waxa khaatiyaan laga taagan yahay qalimada laserka ah oo lagu cawaraa dhibaatona loogu gaystaa duuliyayaasha diyaaradaha ee fadhiisanaya garoonada diyaaradaha dalkaasi.

Sanadkii 2010 ilaa 2014 kii waxaa falalkan loo xidhay oo maxkamad lagu saaray 199 qof oo aaladaa ku cawaray wadayaasha gaadiidka ama duuliyayaasha diyaaradaha, duulimaadyada ganacsiga, diyaaradaha qumatiga u kaca ee ay isticmaalaan police ku ” Helicopters ” iwm.

Aaladahan laserka inkasta oo xeer dalka ingiriisku ka soo saaray sanadkii 2010kii dadka dhibaatooyinka ku gaysta wax lagaga qabanayo, ayaanay haddana dalkaa ka mamnuuc aheyn iyaga oo kala awood baddana waa lagu iibiyaa oo qiimayashoodu yihiin £20 ilaa £500 gini inta u dhaxaysa.

Aaladan hadii si rasmiya indhaha duuliyaha diyaaradaha ama dirawalada gaadiidka loola helo waxa dhacaysa in aan qofku wax arag mudo 45 daqiiqo ah oo laga yaabo in maamulkuba ka lumo, waxaana suuragal ah in ay dhaawac ku keento bu’da isha sida ay sheegeen dhakhaatiirtu.

Falalkan lala beegsanayo duuliyayaasha diyaaradaha ayaa dalka ingiriiska ku soo badanaya iyada oo garoonada diyaaradaha ee London ” Heathrow ” Birmingham, leedsbradford, Manchester intl, London Gatwick, London city, London Luton, Newcastle, iyo qaar kale oo badani ahaayeen meelaha ugu darnaa.

Waxa la soo saaray warbixin lagu shaaciyey sanadkii 2009 ilaa 2015 falalkii qalinka wax cawara lagu galay ama diwaanka dacwadaha dalkaasi galay in ay ahaayeen 8,998 fal oo ka dhacay guud ahaan dal waynaha ingiriiska.

Waxa falalkaasi ugu badnaayeen sanadkii 2014 kii oo ay dhaceen 1440 weerar cawaraad la sameeyay kuwaasi oo intii ugu badnayd ahayd garoonka diyaaradaha caalamiga Heathrow london oo ahaa 168 weerar sida ay cadaysay hay’ada socdaalka iyo maamulka hawada ee dalkaasi.

Halka ay ahaayeen falalka laga gaystay sanadkaa gagida diyaaradaha ee caalamiga ah Manchester 107 fal, oo waxa ku soo xigtay gagida diyaaradaha ee Birmingham oo iyadana laga sameeyey 92 falalka cawaraada ee loo adeegsado qalimada laserka ah.

Waxa ugu dambeeyey fal cawaraad lala beegsaday duulimaad baayacmuushtar oo diyaarad ku duuleysa jooga 29000 ft ( 8840m ) oo u kala gudbaysay Manchester iyo Billund, Denmark maalintii axadii 28 Oct 2018 markay saacadu ahayd 18:45gmt sida ay police ku sheegeen.

Duuliyihii ayaa ogeysiiyey markiiba hay’ada diyaaradaha kala hagta ( NATS ) laserkaasi oo ugu soo galay shidhka diyaarada laakiin aan wax dhibaato ah gaysan diyaarada oo markaa dul socotay dhinaca waqooyi bari ee gobolka Lincolnshire.

Policeka Lincolnshire ayaa iyaguna sheegay in 5 sano oo xadhig ah lagu xukumo dadka gaadiidka sida qaldan ugu adeegsada aaladan laserka sida xeerkani dhigayo ” laser misuse ( vehicles ) act ” ayey warbixintaa raaciyeen iyaga oo waliba codsaday cidkasta oo Xog ka haysa ama wax ka ogi in ay la soo xidhiidho.

Haddaba Aalada laserka loo yaqaano oo noocyo badan leh oo laga faaiideysto oo qaybo ka mid ah dhakhaatiirtu isticmaalaan, qaybo kale ay isticmaalaan wershadaha biraha dhalaaliyaa iyo qaybo loo isticmaalo hubkuba ayaa haddana waxa jira tooshash ama qalino si caadiya loo iibiyo inkasta oo ay dalalka qaar mamnuuc ka yihiin.

Dalka ingiriiska ayaa waxa warbixinuhu sheegayaan in ay dadka intooda badan falalkan ku galaa in ay internetka toos uga iibsadaan iyaga oo ka dalbada wadamada eeshiyaanka ah sida Korea.

Dhamaad

Warbixintan oo aan idiinka diyaariyey qalinka laserka oo si qaldan loogu adeegsaday in lago cawaro duuliyayaasha diyaaradaha iyo dirawalada gaadiidka waaweyn ee dalka ingiriiska oo aan ka soo akhriyey website ka BBC news.

Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS