Ciidamo Itoobiyaan Ah oo Wata Gaadiidka Dagaalka oo Gaadhay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo Itoobiyaan Ah oo Wata Gaadiidka Dagaalka oo Gaadhay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool
November 7, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaadheen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sool.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanka Dhumay ay ku dagaalameen Beelo halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi.

Warar ay helayso Shabakada Wajaalenews ayaa tibaaxaya in ciidamada Itoobiya uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafti ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka kusoo noqnoqday deegaankaasi ee u dhexeeya labada beelood.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ka hadal ciidamadan Itoobiyaanka ah ee soo galay magaalada Laascaanood, Laakiinse Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Itoobiya ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha Wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen.

Dhinaca kale wafti uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa gaadhay deegaanada ay beeluhu ku dagaalameen, iyagoona doonayo in xal waara laga gaadho colaada deegaanka.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS