Guusha Xisbiga Dimuqraaddiga oo Dhabar Jab Ku Noqotay Donald Trump | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guusha Xisbiga Dimuqraaddiga oo Dhabar Jab Ku Noqotay Donald Trump
November 7, 2018 - Written by Reporter:

Washigton (WJN)- Xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa madaxweyne Donald Trump.

La wareegista maamulka aqalka hoose ee Koongareeska oo noqotay markii ugu horreysay muddo 8 sano ah waxay xisbiga Dimuqraaddiga u sahleysaa iney fashiliyaan qorsheyaasha madaxweynaha.

Hase ahaatee xisbiga Mr Trump ayaa la filayaa iney xajistaan awoodda ay ku leeyihiin aqalka odayaasha ee Senete-ka.

Doorashadii dhacday shalay oo Salaaso ahayd ayaa loo arkay mid afti u ah awoodda maamul ee madaxweynaha, inkastoo aanu doorasho u taagneyn tan iyo sannadka 2020-ka.

Natiijada doorashada ayaa xaqiijisay guul taariikhi ah oo ay doorashada xilliga dhexe ka soo hooyeen xisbiga aan heynin maamulka Aqalka Cad.

Hogaamiyaha aqalka ee xisbiga Dimuqraaddiga Nancy Pelosi, oo lagu wado iney noqoto afhayeen, xilkaasna heysay tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa iyadoo taageerayaasha kula damaashaadeysa magaalada Washington waxay tidhi “Waad mahadsantihiin, wuxuu waa cusub u baryayaa Mareykanka”.

Nancy Pelosi oo Waxay mar kale hogaamin doontaa aqalka Koongareeska

Madaxweyne Trump ayaa doorashada diiradda ku saaray aqalka Senete-ka, wuxuuna isku amaanay dadaalka uu sameeyay.

Muxuu yahay tartanka ka socda aqalka hoose?

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa ka faa’iideystay hadallada qallafsan ee uu Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah, waxayna guul ka gaardhen doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay marka uu madaxweyne Trump xilka qabtay 2 sano ka hor.

Dimuqraaddigu waxay aqlabiyadda aqalka la wareegeen markii ay heleen wax ka badan 23-kii cod ee ay doonayeen si ay ula wareegaan maamulka aqalka hoose ee Koongareeska.

Guusha Dimoqaraadiga waxay dhabarjab ku noqotay barnaamijyada Trump

Shacabka Mareykanka ayaa u codeeyay dhammaan kuraasta aqalkaasi oo ay tiradooda gaadheyso 435.

Hadda waxay dimuqraaddigu billaabi karaan baadhitaanno ku aaddan sida uu maamulka Trump u maareeyo arrimaha ganacsiga, laga billaabo cashuur celinta ilaa danihiisa ka hor imaanaya howlaha ganacsi ee qaranka.

Waxay sidoo kale awood dheeraad ah u heli karaan iney is hor taagaan qorsheyaashiisa dhinaca sharciga, oo uu ka mid yahay ballan qaadkiisa ku aaddan in darbi laga dhisi doono xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico.

Murashaxiinta haweenka ah ayaa guulo ka soo hooyay doorashadan oo loo aqoonsaday sannadkii dumarka.

Labo gabdhood oo ay da’doodu tahay 29 sano, oo lagu kala magacaabo Ocasio-Cortez iyo Abby Finkenauer, kana tirsan Dimuqraaddiga ayaa lagu wadaa iney noqdaan xildhibaannadii ugu da’da yaraa ee abid qeyb ka noqda mudaneyaasha aqalka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.

Maxaa ka socda tartanka Aqalka sare ee Senete-ka?

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku howlan sidii ay u xoojin lahaayeen aqlabiyaddooda aadka loogu dhow yahay ee ay aqalka sare ugu maamulaan 51-49, taasoo ka dhigan in Jamhuuriga ay hore u heysteen kuraas dhan 51, halka Dimuqraaddiguna ay haysteen 49 kursi.

Haddii ay xaqiijiyaan iney aqalkaas la wareegaan waxaa madaxweyne Trump u suurto galaysa inuu aqlabiyad ku hirgaliyo amarradiisa iyo soo xulashadiisa mas’uuliyiinta dhinaca caddaaladda.

Xisbiga Dimuqraaddiga ayay sannadkan ku adkeyd iney guul la taaban karo ka soo hooyaan tartanka aqalka sare maadaama ay difaacanayeen 26 kursi, halka xisbiga jamhuuriguna ay difaacanayeen 9 kursi oo kaliya.

Guulaha ugu waaweyn ee xisbiga Jamhuuriga waxay ka yimaadeen gobollada Indiana, Missouri iyo North Dakota, halkaasoo ay xilalka uga fara maroojisteen siyaasiyiintii ka soo jeedday Dimuqraaddiga.

Rick Scott ayey u badan tahay inuu ka guuleysto siyaasiga ka socda Dimuqraaddiga ee Senetarka ka ah gobolka Florida, waxayna taasi xisbiga Jamhuuriga ka dhigeysaa iney helaan labada kursi ee laga soo doorto gobolkaas, iyadoo noqoneysa markii ugu horreysay ee ay taasi dhacdo muddo ka badan hal qarni.

Maxaa ka socda tartanka Badhasaabyada?

Badhasaabyada gobollada waxaa laga soo dooranayay 36 ka mid ah 50-ka maamul goboleed.

Gobolka Florida, siyaasiga garabka bidix ee lagu magacaabo Andrew Gillum ayaa qirtay inuu ku guul darreystay tartankii kharaaraa ee uu kula jiray siyaasiga xisbiga Trump ka socday ee lagu magacaabo Ron DeSantis.

Balse gabadha ka socotay Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Stacey Abrams, taasoo lagu waday iney noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo Badhasaab ka noqota Mareykanka ayaa diidday in looga adkaaday tartanka ay la gashay murashaxa Jamhuuriga ee Brian Kemp, oo ay ku loollamayeen gobolka Georgia.

Jared Polis oo ka socda Dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu ku guuleysto Badhasaabnimada gobolka Colorado, waxaana lagu wadaa inuu noqdo ninkii ugu horreeyay ee Badhasaab ka noqda Mareykanka isagoo si cad u ah nin gogosha la wadaaga ragga kale.

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sidoo kale qaatay maamulka gobollada kala ah Michigan, Illinois iyo Kansas

Badhasaabka xisbiga Dimuqraaddiga ee gobolka New York Andrew Cuomo ayaa isagana markii saddexaad xilka loo doortay.

Sida loogu kala guulaystay gobollada ilaa iyo duhurnimadii Arbacada wakhtiga Afrikada bari

5 waxyaabood oo aan ka barannay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

1) Taariikh ay dhigeen murashaxiinta haweenka ah

Doorashada inteysan dhicin ka hor ayaa sannadkan lagu tilmaamay sannadkii haweenka, run ayeyna noqotay. Hadda waxaa aqalka Koongareeska ku soo biiray tiro haween ah oo aan hore loo arkin, waxyaabaha qaarna waxay dhaceen markii ugu horreysay.

2) Fursad ay Dimuqraaddiga ku sameeyaan dagaal rogaal celis ah

Mar walba way iska muuqatay in xisbiga Dimuqraaddigu aysan la wareegeynin aqlabiyadda aqalka Sare ee Seneteka, laakiin waxaa rumowday saadaashii laga bixiyay iney guulo ka soo hoyn doonaan tartanka doorashada aqalka hoose.

Hadda waxay fursad u helayaan iney la xisaabtamaan madaxweyne Trump iyo maamulkiisa.

3) Doorashadani ma waxay guul weyn u tahay Trump?

Trump wuxuu sheegay inuu faraxsan yahay, natiijada ay Jamhuuriga ka heleen doorashada aqalka sarena ay tahay mid loo dabaal-dagi karo. Laakiin waxaa xaqiiqo ah in guusha ay Dimuqraaddigu ka gaadheen aqalka hoose ay horseedi doonto in loollan loo galiyo si aanu hore u dareemin. Waxaa laga yaabaa inuu dhaco is mari waa ka dhasha qodobada qaar ee uu ula yimaado aqalka.

4) Taageerada tuulooyinka oo luntay

Xisbiga Jamhuuriga waxay ku guul darreysteen iney helaan codadka dadka wax bartay ee ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinka. Waa sheeko mar kale taariikh ahaan dib isugu soo celisay waxayna dhibaato ku noqon kartaa siyaasadaha xisbiga ee mustaqbalka.

5) Badhasaabyadii taageersanaa Trump oo qaarkood uu nasiibkooda fiicnaaday kuwa kalena uu xumaaday

Natiijooyinku qaar waxay u wanaagsanaayeen Trump, kuwo kalena waxay u ahaayeen nasiib darro, marka la eego natiijada ka soo baxday doorashadii Badhasaabyada gobollada. Taasi waxay adkeyneysaa tartanka doorashada madaxweynaha ee sannadka 2020-ka.

 

Source: BBC SOMALI

COMMENTS
LINKS