“Waxa Lays Weydiinayaa Waxa Uu Madaxweyne Muuse Biixi Uga Tegi Doono Somaliland”.Siyaasi Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Lays Weydiinayaa Waxa Uu Madaxweyne Muuse Biixi Uga Tegi Doono Somaliland”.Siyaasi Mustafe Shiine
November 7, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyihii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi Jeex Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa sheegay marka loo fiirsado sida ay Xukuumadda hadda Talada Somaliland haysaa ula dagaallamayso Xorriyadaha aasaasiga ah iyo Tiirarka quruxda u ah halbeeggii higsiga Somaliland la isweydiin karo waxa uu Madaxweyne Biixi dalkan iyo dadkan uga tegi doono mustaqbalka.

Siyaasi Mustafe Shiine oo qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta xidhiidhka bulshada uu ku leeyahay ee Facbooga ayaa u dhignayd sidan. “Somalilamd waxay lahayd tiirar halbeeg u ahaa hiigsigeeda ka mid noqoshada golayaasha ay ku kulmaan dunida midiba mida kale u aqoonsan tahay qaran madaxbanaan.

Halbeegyadaa waxa kuwooda ugu muhiimsan ee aynu miiska saari jiray marka qarankani xodxodanaayo golayaasha aan soo sheegay ka mid ahaa kuwan:-

Nabadgelyada.

Doorashooyinka

Xuquuqul insaanka

Iyo xorriyada hadalka.

Qodobadaa dhamaan waxaad moodaa in xukuumadda Biixi ay meesha ka saarayso, waayo? Maanta waxaynu aragnaa in gobolada Somaliland qaarkood aanay ka jirin nabadgelyo laysku halayn karo, in doorashooyinkii golayaasha sharcidejinta iyo deegaanka ay dib ugu dhacayaan halkudhiga ah ” yaa wax iga qaadi karaya” ee madaxwynaha la doortay ee Somaliland.

Sidoo kale waxa iyana socda meel ka dhacyo joogta ah oo ay xukuumadu ku hayso dhamaan xorriyaadkii aasaasiga ahaa oo ay ka mid tahay xorriyadii rayi dhiibashada iyo tii dhaqdhaqaaqa.

Maanta waxa xabsiyada Somaliland ku jira dad u xidhan fikirka ay aaminsan yihiin, kuwaasi oo qayb ka mid ah maxkamad milateri lagu saaray iyagoo aan ahayn ciidan, isla markaasina aan lagu hayn wax denbiya oo ay qarankan ka galeen, sida mujaahidka Axmed Cadib oo aan ilaa iyo hadda la ogayn denbiga uu galay ee ay maxkamada meliteriga ahi ugu xukumeen 10ka sanadood ee xadhiga milateri ah.

Waxa sidaa si la mid ah loo handadayaa saxaafada madaxa banaan oo aad moodo in lagu haysto sababta ay u soo werinayaan dhacdada dhaqdhaqaaq ee jabhada sheegtay inay ka abuurantay cadaalad darada ee Caare, kuwaasi oo dhawr jeer dhaqdhaqaaq iyo isku dhac ciidan ka sameeyay gobolka Sanaag,iyadoo laba taleefishan dhawaan dacwad looga gudbiyay waxay ka soo warameen weerarkii jabhada Caare ay ku qaadeen fadhiisinka ciidan ee degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag.

Haddaba marka aad aragto dhamaan dib u dhacyada iyo tacadiga lagu hayo qodobadii quruxda u ahaa iibinta qadiyada madaxbanaanida Somaliland waxa is weydiintu noqonaysaa waxa madaxweyne Muuse Biixi uu uga tegi doono qarankan Somaliland ee dhitada u noqon doona, isaga lagu xusi doono, kadib muddo xileedkiisa.”

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS