“Wasaaradaha Is Haystaa Ma Xeer Nidaamiyaha Ayey U Baahan Yihiin In Mid Walba Lagu Dul Akhriyo, Mise Xeyndaabkooda Shaqo Ayey Garan La’Yihiin”Barkhad ladiif, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasaaradaha Is Haystaa Ma Xeer Nidaamiyaha Ayey U Baahan Yihiin In Mid Walba Lagu Dul Akhriyo, Mise Xeyndaabkooda Shaqo Ayey Garan La’Yihiin”Barkhad ladiif,
November 7, 2018 - Written by Editor:

“Wasaaradahan Is Haystaa Ma Xeer nidaamiyaha Ayey U Baahan Yihiin In Mid Walba Lagu Dul Akhriyo, Ma Xeyndaabkooda Shaqo Ayey Garan la’yihiin, Mise Danno Inaga Qarsoon Baa Jira”

Wasiirka Gaadiidka iyo wasiirka Maaliyada ayaa isku haysta liisamadii baabuurta, madbacadii qaranku liisamay samaysay, wasiirka Gaadiidkuna wuxuu dawli ka dhigay shirkadii liisamada daabici jirtay oo iyana liisamo samaysatay, wasiirka maaliyada iyo xisaabiyaha guud ayaa iyaguna Is haystaa oo mid waliba waraaq uu madaxweynaha ogaysiiyey soo saaray.

Wasiirka Gaadiidka iyo maareeyaha hay’ada wadooyinka ayaa iyaguna is haystay, wasiirka Gaadiidka iyo hay’ada duulista awoodahooga shaqo ku muransanaa.

Maareeyihii hay’ada wadooyinka iyo agaasime waaxeed baa is haysta, wasiirka caafimaadka iyo agaasime waaxeed baa iyaguna gartooda la gallay.

Markaan waxan oo khilaaf ah ka yaabo, waxaan iska niyeystaa in shaqo uuni socoto oo meel aanay shaqo ka socon cidna is khilaafi mayso.

QALINKII BARKHAD-LADIIF

COMMENTS
LINKS