Kala Saarista Qabiilka, Xisbinimada Iyo Dawladnimada! Qeybtii Saddexaad;Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kala Saarista Qabiilka, Xisbinimada Iyo Dawladnimada! Qeybtii Saddexaad;Prof Cabdi Cali.
November 7, 2018 - Written by Editor:

Xagga Qabiilka Siyaasiga ah (political tribe), Somailand Ma Dib bay U socotaa Mise Hore?

Tusaale Ka Mid aH Taarikhdeena Dhaw, bal Ila Dhugo!!

Maanta Garxajis Ayaa Laba Xisbi Ah; Waa Arrin Fiican; Laakiin Hogaamiyayasha Labada Xisbi Waa Isla Reerka; Ra’yigayga, May Gaadhin Halkii H/awal Gaadhay Xilligii SNMta ee Reero Dhan oo H/awal Ahi Taageersanaayeen M/weyne C/raxman Tuur( AHU)!!! Maanta Innagoo Xisbiyo ah, Haddii Aynu Sidaa Heli Lahayn oo Laakiin Dhan Walba Ah, Horumar Siyaasadeed Ayey Ahaan Lahayd Marka Laga eego Dhinaca Qabiilka Siyaasiga ah (political tribe); Tani Waa Tusaale uun; Reeraha Kalena La Mid Bay Ahaayeen!!!!

Sidii aynu ku soo sharaxnay qaybtii 2aad, xisbigu waa inuu noqdo warshadda isku walaaqaysa qabii’ilka iyo reeraha, halkaasoo la isu diyaarinayo hanashada dawladnimada; markaa xisbigu ma aha inu noqdo sida uu immika yahay sallaan lagu fuulo kursiga inta lagu shaanbadeeyo reer, marka lagu muraadsadana lagu qafilo meel inta loo baahanayo mar danbe; waa halka la rabo in lagu il-bixiyo muwaadiniinta si ay u suuragsho in marka danbe loo gudbo xisbiyo reeruhu aanay isteerinka u hayn ee laakiin ku salaysan maba’di iyo qiimeyaal bulsho oo ay aamisna yihiin.

Immika maxaa la samayn karaa si loo yareeyo dhibka ka iman kara political tribe-ka?

Haddii aad tahay kuwa diidan in la soo hadal qaado waxa aynu ugu yeedhnay Qabiilka Siyaasiga ah, bal ku dadaal arrintan soo socota, ha kuu danbeyso riyada qaran bilaa qabiil ah, ee aad laabta uun ka jeclaatay’e.

Waxa fiican oo immika laga bilaabi karaa madax jabinta qabyaalada in qabiil wayn sida Habarawal aanu xisbi wada galin ee ay u qaybsamaan laba xisbi, sida immikaba Garxajisku yihiin; ama Arabkuba noqdeen; sidoo kale Samaron, Harti, Habarjeclo, reeraha kale ee Isaaq iyo inta kale ee aanan xusin ba waa in ay kala galaan xisbiyada kala duwan; tani waxay saamaxaysaa in aynu helno xisbiyo dadkoodu isku qaybsan yihiin hayb ahaan; taa horta samee ninka qabiilka diidayow, oo xisbiyada ka dhigo meel aad dadka isku dhexgaliso oo isku dhex walaaqdo si qabyaalad nacasnimo ah looga hortago, taasoo iyadoo basar xun dawladnimada qabsata, waynu soo aragnay oo isaga sheekayn mayno foolxumada arrintaasi leedahay.

laakiin taas macnaheedu ma aha in siyaasadii qabiilku baab’day, maxaa yeelay, wali cid waliba codka xisbigu u baahan yahay waxay ka dooni doontaa reerkooda, ee la soco; laakin waxaynu ku guulaysanay halkii jumladda ay ka ahayd qabyaaladdu in aynu tafaariiqayno; laakiin wali xisbiga gudihiisa dynamics-ka siyaasadeed ee ka socda waa qabiilka siyaasiga ah (political tribe); haseyeeshee, illa immika, meesha waxad ka saartay kala xayashadii waynayd ee bulshada ama kala irdhowgii bulshada (polarization).

Halkaas marka aynu maranyo, waxan qabaa xilligii SNM ee Qaaxo la joogay ama dalkaba la soo galay, marka la iska illaawo dadkoo hubaysnaa oo marka ay is qabtaan ay jirtay khatar ah in dhiig daato; haddana siyaasad ahaan markaas bay Somaliland ka bislayd sidan ay maanta tahay.

Maanta oo aynu 16 sano ku dhaqmaynay xisbiyo badan iyo dimuqraadiyad, ayaynu siyaasad ahaan ka danbaynaa maalintaas qaaxo la joogay; waxay ahaayeen SNM laba group, hadda ma aha laba qabiil; tusaale ahaan reero badan oo Sacad Muse iyo Ciise Muse ba leh,waxay taageersanaayeen M/weyne C/raxman Tuur (AHU); taaso keenaysay in siyaasaddu noqoto mid ka horumarsan tan maanta qabiilkii la jumladeynayo, ee dib ugu noqotay badawnimadii casru-jaahiliga, taasoo markasta najtiijadu noqonayso danaysi doqonniimo ah.

QALINKII Prof Cabdi Cali Jaamac ; mufakir ka mid ah mufakiriinta Somaliland.

COMMENTS
LINKS