Hooyo Ku Nool Magaalada Hargeysa oo Hindistay Farsamo Nooceedu Cusub Yahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hooyo Ku Nool Magaalada Hargeysa oo Hindistay Farsamo Nooceedu Cusub Yahay
November 8, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Hargeysa ayaan badankoodu awoodin kirada guryaha waxaanay samaystaan aqallo Soomaali ama cooshado kale oo ay galaan.

Waris Aamin Cigaal oo ku nool magaalada Hargeysa oo ah hooyo dadka ka farcamay ay tiradoodu tahay 33 qof ayaa waxa ay dhisatay guri ka samaysan caagadaha biyaha iyo sharaabka laga cabbo oo ciid laga buuxiyey, oo sidii midabada iyo dhagaxa loo isticmaalayo.

Laba guri oo isku ag yaalla ayey Waris iyo qoyskeeda dagganyihiin, balse kuma filna maxaa yeelay inta ay dhashay iyo intii ay sii dhaleen ayaa gaadhaya 33 qof.

Waris ayaa la timid fikrad ay aqal cusub ugu dhisi karto awlaaddeeda balse aanu kharash badan uga baxeynin, waxayna tidhi “Waxay ila noqotay inaan shan aqal dhiso, si carruurta ay min laba iigu seexdan, iyo sidoo kale aqallo aan carruurta ku waraysto oo aan ku weydiiyo waxyaabaha iskuulka laga soo baray.”

Waris Aamin Cigaal

Waris iyadoo aan isticmaalin wax dhagax ah ayaa hadda waxay gabagabaynaysaa mid ka mid ah qolalkii ugu horreeyey oo ay ka samaysay caagadaha sharaabka laga cabo.

Marka uu qolkan dhammaado waxa ay doonaysaa iney shan qol oo kale ka garab dhisto “Caagadaha waa ii bilaash ciidan lagu dhisayana sidoo kale waa bilaash, marka kharash la’anta ayaan ku raacay waxaan kaliyoo gurtaa caagadihii suuqa yaalay.”

Waris iyo carruurteeda ayaa ku howlan sidii ay ku hirgalin lahaayeen gurigan caagadaha laga samaynayo, waa markii ugu horreysay ee guri noocan oo kale ah laga dhiso magaalada Hargeysa.

.

Gurigan ma aha guri kharash badan ku baxay balse Yaasin Maxamed oo ah ninka gurigan dhisaya ayaa kalsooni badan ku qaba waxa uuna yidhi “Guriga gabo gabo ayuu marayaa wax yar ayaa noo hadhay, marka guusha wey iska muuqataa, waxaana aaminsanahay inuu guriga ku soo bixi doono mid wanaagsan oo ka qurux badan guryaha casriga ah”

hooyadan guryo ayey ka dhisatay waxa ay dadka wasakhda u yaqaannaan, waxayna badbaadisay deegaanka. Waris ayaa waxa ay mudantahay in lagu daydo.

COMMENTS
LINKS