Markab Kuwa Dagaalka Ah oo Ay Isku Dhaceen Markab Kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markab Kuwa Dagaalka Ah oo Ay Isku Dhaceen Markab Kale
November 8, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Norway ayaa ka soo tagtay mid ka mid ah Maraakiibteeda dagaalka kadib markii ay isku dhaceen Markab kale oo ah kuwa shidaalka qaada.

Sideed qof ayaa waxaa soo gaahay dhaawacyo fudud.

Markabka dagaalka ayaa waxa uu ka soo noqday dhoola tus milatari oo ay sameeynayeen ciidamada gaashaan buurta Nato.

Markabka kale ee siday shidaalka ayaa isagana waxaa soo gaadhay waxyeello aan sidaa usii weynayn waxayna u muuqataa in aanu daadan shidaalku.

Balse saraakiil aan la magac dhabin ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in markabka lagu arkay meel yar oo shidaalka daadinaysa.

Dhacdadaan ayaa horseedday in la xidho dhamaan xarumaha waayayn ee shidaalka iyo goobaha lagu kaydiyo gaaska.

Waxaana la sheegay in xidhitaankaasi uu sababay khasaare dhanka dhaqaalaha ah.

Sida ay ku soo warramay wakaaladda wararka Reuters ,Markabka shidaalka ayaa u shiraacday xarunta shidaalka lagu kaydiyo ee ku taalla dekedda.

.

Maadaamaa ay wax yeello soo gaadhay markabka waxa uu u dhaqaaqay goob badqabkeedu sareeyo.sidaasi waxaa warbixin ku sheegay taliyaha ciidamada badda ee Nato.

Ilaa iyo haatanna lama yaqaano waxa sababay shilka.

COMMENTS
LINKS