Haweenaydii Go’aankii Adkaa Ee Ay Qaadatay Ku Heshay Waxay Doonaysay! Qalinkii; Barkhad-ladiif Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweenaydii Go’aankii Adkaa Ee Ay Qaadatay Ku Heshay Waxay Doonaysay! Qalinkii; Barkhad-ladiif Cumar.
November 8, 2018 - Written by Editor:

Raganimo marka qof lagu tilmaamayo macnaheedu maaha ragga uun bay ku kooban tahay,waayo ragga laftooda rag kala ah, laakiin waa calaamad rag iyo dumar qofkii dadaal iyo karti la yimaadda loo adeegsan karo, weedhaha fiicfiican oo dhan waxa isku sheega waa ragga, waxaana sabab u ah wakhtigii hore dumarku waxay ahaayeen dad loo taliyo halka imika markay wax wada barteen dhinacyadda nolosha ka siman yihiin oo wuxuu raggu qaban karo dumarku qaban karaan, sidaas darteed imika lama dhayalsan karo dumarka hadii aanay ka fadalo cadaynba.

HAWEENAY

Waxaan sheekadan uga socda qiso aan kaga hadlayo awoodda ay haweenayda dadaashaa gaadhi karto, waxa waayo dhoweyd ka dhacday Hargeysa in shirkadaha ka jira Somaliland ee Basaaska u kala baxa goboladda dalka ay haweenay Basas lahayd dalbato in lagu daro shirkadda, balse kooxdii shirkadda samaystay way ka diideen inay baabuurtay wadato lagu daro, taasina waxay keentay inay samaysato shirkad gaar ah oo basaskii ay lahayd iyo basas kale intay isku dartay shirkadii diiday ay tartan adag la gasho.

Waxay qorshaysatay in khasaaraha ay doonto ha la gashee in ragaasi wax tusto, waxaanay jabisay qiimihii lagu raaci jirey Basaska u kala baxa gobolada Barriga, taasina waxay keentay in lagu jabo shirkadeeddii, shirkadii kale ayaa iyana la dhigtay oo qiimihii jabisay lagu raacayey mar kale sii jabisay, waxaanay gaadhsiisay qiimo khasaare gaadhsiin karta iyada iyo kooxda kaleba oo waxay ka dhigtay laba dollar in lagu tago Burco.

Sida uu iiga waramay dirawalka Baska u wadi jirey wuxuu ii sheegay in gabadhaasi oo qurbaha ka timid ay odaygeeda ku wargalisay in dagaal ganacsi ay la galayso rag shirkad kooto ku xidhay oo uu kaliya ka caawiyo wixii dhaqaale ah ee ay uga baahato.

Marka ay is bixin wayday waxay samaysay in ay muddo ku waday in shiidaalka Baabuurta iyadu jeebkeeda ka bixiso, lacagta yar ee lagu raacayana dirawaladda ugu tallogasho, iyadoo ku dhiirigalisay dirawaladeedda inay shiidaalka jeebkeeda ka bixiso kharashka lagu raacayana iyagu iska qaataan illaa inta kooxda kale indhaheeda wax tusayso.

Markii ay muddo iyadu kabaysay xaga dhaqaalaha ee ay u niyad jabi wayday waxay shirkadii kale la noqoto inay waan waan la gasho, iyagoo ka codsaday in hada ay ogol yihiin inay ka mid noqoto oo waliba la siiyo xil sare oo ah ku xigeen, sidaasna ay ugu biirto shirkaddii kale si aanay isku qiimo tirin, sidii ayey qayb weyn ka noqotay shirkadii oo madaxda sare ka mid noqotay.

Arrintaasi baryo iyo jiljileec kuma iman ee karti iyo go’aan qaadasho adag ayey ku gaadhay inay jabiso xeerkii shirkadii hore ku heshiiyeen ee ahaa in aan saami layda dib loo furin, iyadoo ku qasab tay waliba madaxda sarsare ka mid noqotay.

 

by: Barkhad-ladiif M. Cumar

 

COMMENTS
LINKS