Kala Saarista Qabiilka, Xisbiga Iyo Dawladnimada! Qaybtii Afraad.Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kala Saarista Qabiilka, Xisbiga Iyo Dawladnimada! Qaybtii Afraad.Prof Cabdi Cali.
November 9, 2018 - Written by Editor:

Xisbiga ku guulaysta doorashada M/weynaha wuxu u soo gudbayaa marxaladdan isagoo wata oodihii qabiilka, xisbiga iyo xanaftii ololaha doorashada.

Xagga siyaasadda, waxa la doonayaa in M/weynuhu ku beddelo qabiilkii siyaasiga ahaa (political tribe) ee uu ku soo ololeeyey iyo dil-dillaacii doorashada ka dhashay in uu soo dhiso xukuumad ay ku jiraan qabaa’ilkii iyo dadkii kale ee ka codeeyey; maxaa yeelay waddanka waa la wada leeyahay; waa in wasiiro muhiim ah uu siiyaa reeraha laga adkaaday xisbiyadooda si loo baanto xanaftii doorashada.

Xagga Wasaaradaha iyo hayadaha dawaladda ee adeegga siiya muwadinninta, waa in xisbiga guulaystay iyo reeraha taageera aanay habayaraatee wax sad bursi ah helin; maxaa yeelay waxa la rabaa adeegga ay bixiyaan in muwaadiniintu u sinnaadaan.

Kaliya wasiirka wasaaradda loo soo magacaabay wuxu ula imanayaa Dg-ga iyo madaxda Civil Service-ka wasaaradda siyaasadda cusub ee m/weynaha cusubi wato; siyaasad halkan waxaynu uga jeedna Policy, not politics; waliba taasna waa marka uu soo mariyo barlamaanka; markaas oo kaliya ayuu u keeni karaa iyadoo xeer noqotay wasaaradda, oo odhan karaa ha la fuiyo; haddii uu keeni waayo xeer cusub oo barlamaanku soo ansixiyeen, wasaraaraduhu waxay shaqadooda u wadanayaan sidii hore.

Marka intaa laga yimaaddo, waxa jira in madaxweynaha soo saari karo digrotooyin aanu cidna soo marin, laakiin bishardi waa in ay waafaqsanaadaan sharcigii hore u jiray intaanu iman; haddii kale waxa burinaysa maxkamadda; ama barlamaanka ayaaba curinaya xeer ay ku deedafaynayaan.

Innaga la yaab ma leh haddii dadkeenu qayliyaan marka madaxweyne cusub la doorto; maxaa yeelaay innagu ma lihin dabarrada aynu kor ku soo sheegnay, ee innaga xakamaynaya M/weynaha iyo wasiiradiisa; Wallahi, waa wax laga baqo. Bal ka warran Trump oo aanu jirin garsoor iyo congress dadka ka qabanaya; saw maalin kasta digreetada uu soo saaraa may socoteen, oo Mareykan ma waasheen.

Addeegga wasaaradaha waa loo siman yahay, garsoorku dadka ma kala xigsado, sidaa darteed caddaaladda waa loo siman yahay, shaqaalaha waxa lagu qoranayaa aqoontiisa, wuxu ku dallacayaa aqoontiisa, kartidiisa iyo ruug-caddaanimadiisa; waxan maqlayay beryaha dad leh shaqaalaha wasaaradaha reer hebel baa u badan; halkan waa ka xaaraan sheekadaasi.

QALINKII;Prof Cabdi Cali Jaamac ; fiqiga dawladnimada iyo Qabiilka Siyaasiga ah.

COMMENTS
LINKS