Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Marcon waxa uu leeyahay” Qof wayn ani iima tihid” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Marcon waxa uu leeyahay” Qof wayn ani iima tihid”
November 12, 2018 - Written by Reporter:

Emanuel macron waa madaxweynaha dalka faransiiska, waxa uu ku guulaystay doorashadii 21 may 2017 ee uu ku soo baxay 66% codkii ay dadka reer france dhiibteen.

Waa madaxweynihii ugu da’yaraa ee dalka France Madaxweyne ka noqda ilaa Napoleon ka dib, waxa uu dhashay 1977kii.

Macron waxa iska dhalay Laba waalid oo dhakhaatiir ah hooyadii iyo aabihii, waxa ay ahaayeen dad aan diinba haysan, markii uu isagu 12 sano jirsaday ayuu ka codsaday waalidkii in ay geeyaan kiniisad roman Catholic, sidaasi ayuu ku noqday mid aaminsan Catholic.

Markii uu madaxweynaha noqday waxa ay da’diisu ahayd sanadkii hore 39 sano oo kaliya, sidaasi ayuu ku noqday madaxweynihii ugu da’ yaraa dalka france Napoleon ka dib.

Macron waxa uu bartay cilmiga falsafada oo uu ku qaatay shahaadada koowaad ee waxbarashadiisa, halka uu shahaadada labaadna ku qaatay ilaalinta arimaha danaha guud iyo dhaqaalaha.

Waxa uu shaqo ka bilaabay wasarada dhaqaalaha ee dalka faransiiska oo uu baadhe iyo ilaaliye dhaqaale ka noqday, ka dib waxa uu ku xigeen ka noqday gudiga talo bixinta koboca dhaqaalaha ee dalkaasi.

4 sano markii uu la shaqeynayey ayuu isaga tagay dawlada waxaana uu shaqo tagey baananka maalgashiga mid ka mid ah oo la yidhaahdo Rothschild & Cie sanadkii 2008dii, wakhtigaasi oo ahayd doorashadii madaxwayne Nicolas Sarkozy.

2012 ayuu siyaasada dib ugu soo noqday waxa uu noqday ku xigeenka xoghayaha khaaska ee madaxwayne Francois Holande.

2014 kii ayuu shaqadaa isaga tagay ka dib markii siyaasadii dib u habeynta dhaqaalaha iyo dawladnimada ee uu watay hirgali wayday, waxaana uu macalin ka noqday jaamacad.

Isla sanadkaa ayaa haddana loo magacaabay wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee dalka faransiiska, halkaasi oo uu ka qabtay wax weyn dhaqaalaha france na kor u qaaday.

Bishii June 24 2016kii ayuu iska casilay xilkaa waxaana uu ka qayb galay tartankii doorashadii dalka France ka dhacay 2017 oo uu ku noqday Madaxweyne.

Taariikhda Guurkiisa

Emanuel macron waxa uu jeclaaday macalimadiisii isaga oo 15 sano jir ah, iyada oo ka waynayd 24 sanadood isaga.

Markii uu 17sano jiray ayuu u sheegtay in uu jecel yahay, markaasi oo iyadu 42 sano jir ahayd, laakiin iyadu xaas bay ahayd waxa qabay nin baan ka shaqeeya oo sadex caruura oo ay dhashay midi isaga wuu ka wayn yahay, midna isku fasal ayaabay ahaayeen !!!

Waalidkii baa markii ay ka yaabeen wiilkoodan jecel gabadha ka weyn ee la qabo ka badelay iskuulkii si ay uga fogeeyaan waxaana uu ku dhamaystay dugsi kale.

Waxa ay xidhiidh bilaabeen isaga oo 18 jir ah , sanadkii 2006 dii ayey odeygeedii kala tageen waxaana ay is guursadeen sanadkii 2007 dii isaga oo 30 jir ah iyo iyada oo 55 jir ah, waxaana ay ka mid tahay dadka kala shaqeeyay guulihiisa.

Hantidiisa waxa iyo waxa uu lacag haysto waxa lagu qiyaasaa 31.5 million dollar sida ay qortay Buzznigeria.com.

▪waxa igu celiyay taariikhdiisa waxa uu yidhi; go’aankii iigu adkaa ee aan qaataa waa guurka xaaskayga Brigitte Trogneux, buu yidhi caawa mar uu CNN, waraysi siinayey.

Dabadeed wariyihii ayaa ku yidhi bal ka waran dadku waxa ay ka aaminsan yihiin guurka gabadhaa weyn iyo dhaliilaha kaaga imanaya guurkeeda?

Waxa uu kaga jawaabay hadal nuxurka uu xambaarsan yahay ahaa waxa ay dadku ku leeyihiin waxa ka muhiimsan waxa aad adigu aaminsan tahay.

Taariikhdiisa qaybaha ugu badan waxa aan ka soo akhriyey WEBKA Buzznigeria, xaashidiisa uu ku qoro siyaasiyiinta.

 

Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS