Waa La Yaaban Yahayee’ Amakaagse Waaka Danbeeya!Qalinkii; Liiban Shaadiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa La Yaaban Yahayee’ Amakaagse Waaka Danbeeya!Qalinkii; Liiban Shaadiro.
November 12, 2018 - Written by Editor:

Bismillahi Raxmani Raxiim magaca Eebe, Sareeye ayaynu ku bilaabaynaa, maanta waxaan rabaa inaan ka jawaabo su’aal inbadan dhalinyarta aanu nahay bahwadaagta qalinka iyo waxbarashadu ay I waydiiso oo ah Liban waxaad soo baratay kuliyada Arrimah Siyaasada Iyo xidhiidhka calamiga ah; Muddo ku dhaw 9 sanno na waxaad ahayd Barre jamacadeed. Madama oo dalkeena siyaasaddiisina ay imika hadal haynteedu badatay maxaad ku sifayn lahayd xaaladda wadanka????
Haddaba, anoo isku dayaya inaan ka jawaabo su’aashaasi la I waydiiyay horena dhawr fasal oo arday aan wax u dhigayay kaga jawabay, bal aan mar kale  isku dayo inaan ka falceliyo waydiimaha igu soo noqnoqonaya, walaw aan jeclahay inaan ugu horayn intaanan ka jawaabin aan idiin guud maro sheeko xili hore dhacday. Se tuduc ku jira maansada xagal daac ee uu tiriyay Abwan suxufi saleeban kalshaale aynu ku yara furfurano.

Waa Duni Hoggaankii

Shacbigoo dhan Doorteen

jifadiisa daaqshoo

Deeqaha la keeniyo

Xilka Dawladnimada

Digreetadu Xariiqaba

Daalac uga qorsheeyo

Dadkii kale saluugeen.

Waa Duni Nin Duub helay

Midna wax u dareeriyo

Wuxuu daaqsadaa jirin

Mooge, yaab iyo amakaag maxaa kala qabsaday waa sheeko xikmad badan xanbaarsan kana turjumikarta waaqica lagu jiro.

Waagii hore dadkeenu waxay noqon jireen “Seaman” bad mareen, maadaama dad badanoo dadkeena ahi ay bad mareen ahayeen, Waa-baa waxa dhacay in nin la odhan jiray Mooge oo ka mid ahaa dadkii badmareenada ahaa inuu wadanka kusoo noqdo isagoo xoogaa hantiya sitaa, deedtana uu la kulmo hooyadii, nasasho ka dib waxaa dhacday in hooyadii maalin malmaha ka mida inankeedii ku dhiiri galiso inuu guursado, oo uu waliba guursado inaabtidii oo markaa ahayd inan gashaanti ah oo guriga joogta, maaddama oo ay hooyadii taladaasi siisay kuna dhiiri galisay inuu waliba inaabtidii guursado.

Mooge waa aqbalay waanu guursaday, guurka ka dib mudo kooban ayuu Mooge sii joogay waanu noqday oo shaqaddii badda  ku noqday, muddo 2 sanno ah markuu Mooge sii maqnaa balse nasiib daro aanay inantii wax UUR ah u qaadin ayay Mooge hooyadii damacday inay warqad u qorto inankeedii uguna dhiibto wiil kale oo ay jaar ahaayeen ahaana badmareen, kaas oo u sheegay in uu la kulmi doono inankeeda. Islaantii u hooyada ahayd Mooge waxay qortay qoraal ay doonayso inay inankeedii ugu sheegto inaanay gabadhii wax ubad ah u hayn, caloosheedana aan waxba lagu ogayn isaguna uu soo noqdo si ubad uga hadhaan, warqadiina u dhiibtay wiilkii kale ee ay jaarka ahayeen ee isaguna bad mareenka ahaa sidiibanu ku qaaday.

Haddaba, markii wiilkii warqadii qaaday, maqnaashiyaha wiilkii inanta qabayna uu sii maqan yahay muddo ku  siman  3 sanno iyo dhawr bilood ayaa waxaa qoyskii kusoo kordhay arin mucjiso noqotay oo dadkii yaab galisay. arintaasi oo ahayd in Xaaski/ooridi Mooge qabay ee aan UUR ka lagu ogayn ay UUR yeelato, kuna andacooto in marwalba ilmuhu ka soo quban jiray laakiin imika illaahay caloosheedii ku beeray ilmahan. Kaddibna arintii waxay noqotay arin werwer iyo walbahaar ku beerta labadii qoys, balse doodii inanta la aqbalo ilmihiina loo bixiyay YAAB. Waxay arintii sidaasi sii ahaato hadana sannad kii ku xigay ayay gabadhii UUR kale qaaday, tii na waxay sababtay in afku juuqda gabo oo dadkii is eeg eegaan un iyadoon inantii waxba la waydiin ayaa ilmihii labaad loo bixiyay AMAKAAG.

Hadda garo oo Mooge waa maqan yahay muddo 6 sano ah ka dib waxay is heleen wiilkii warqada loogu dhiibay, bariido ka dib wiilkii waxa uu gudoon siiyay warqadii, Akhri oo ku qanac in xaaskiisii aanay wax ubad ah u hayn, go’aan na ku qaaday inuu baxo oo uu gaadho reerkii si uu riyadda hooyadii ugu rumeeyo awlaadna isaga soo reebo haduu allah u qoray, balse ma ogaa in dabadii reerkii wax wayni iska badaleen, Mooge waxay ku qaadatay 2 sanno oo danbe inuu soo gaadho goobtii ay daganayeen reerkiisuu, isla goobtii markii inyar loo soo jiray waxaa tilmaan siiiyay niman ay tol ahayeen oo ahaa nimankii ka soo kaxeeyay dagalkii uu markabku dhigay waxanay tilmaan ka siiyeen caynka uu u eegyahay gurigiisu iyagoo sheeda uga tilmaamay, Balse Mooge xoogay yar markii uu socday ayaa waxa ka soo hor baxay wiil yar oo da’diisu tahay ku dhawaad 6 jir. wiilkii waa uu salaamay, salaaan ka bacdii waxa uu su’aalay, su’aalo ay ka mid yihiin ina ayo ayaad tahay, wiilkii yaraana ugu jawaab ina Mooge hebel, waxaanu sheegtay magacii odaygan waraysanaya, balse Mooge oo yaaban waydii oo hooyadaana waa tuma, kii yaraa sheegay gabadhii uu qabay, hadana ku celi odaygii isagoo yaban oo ayaydaana waa tuma, kii yaraa yidhi waa heblaayo hebel oo ah Mooge hooyadii, Mooge isagoo fajacsan madaxana is hayaa ayuu ku dhawaaqay bal YAABKAN eega, mise wiil kii yaraa oon ka fogayn magaciisuna ahaa YAAB ayaa ugu jawaabay adeer anigu YAAB ayaan ahay balse amakaag ayaa guriga kaaga horeeya ee hore u soco.

Haddaba, guntii iyo gabagabadii maanta marxalada aynu ku suganahay waa mid fajac iyo yaab galisay shacbiga Somaliland Allah ha sahlee. waxaan kusoo gunaanadayaa waa la yabanyahayee Amakgaase waa ka danbeeya. waxaanan ka cabsi qabaa amakaag inaynu madaxa la galno Allah inoogama yeelee!!!!!!!!!!!!!

Waxaan ku soo gunaanadayaa Mansaddi Gaariye AHUN ee ahayd

Sidaasaabad itaalka -haddii aad amakaagtay.

Ku ayaan badan tahee -Aafo waa ta dambeysoo.

Ifa-faalaha muuqdiyo- i’ shay leedahay maanta.

Waxba yaan af-gobaadine- intay doonto ha gaadho- aramaa qarxi doonta.

Dharaar baa iman doonta -hadaan Eebahay ceymin -afku uu hadal daayo.

Dharaar baa iman doonta- dab munaafaq istaadhay-

sidii aayar gubtaa ama duur olol taabtay-

arligoo dhan dhameeya.

Dharaar baa iman doonta- iyadoo is wada weyday- oodo loo rogi doono.

Dharaar baa iman doonta -Imaaraadka sidoodiyo ninba aag ku go’doomo.

ALLAH AYAA MAHAD ISKA LEH

GUUL IYO GOBANIMO

 

W/Q Liiban Cabdi Xasan Shaadiro

Barre jamacaddeed ahna udoode xuquuqal iinsaan; Kaana shaqeeya arrimaha Bulshada

COMMENTS
LINKS