WAJAALE NEWS

Aragtideena Siyaasiga ah Iyo Qiimeynteenu Goormay Qaangaadhaysaa Tolow?!Qalinkii Muxumed Dhimbiil.

Somaliland 17 sano iyo bilo ayaa laga joogaa maalintii qiimeynta iyo doorashada hogaanka dalkaaga iyo adeegayaasha arimaha bulshadu aynu u codaynay in ay ku soo noqoto rabitaanka muwaadinkasta oo qaangaadh ah in uu gacantiisa ku keeno, kula xisaabtamo cida uu u arko in ay qalanto.

Somaliland 31 may 2001 dii waxa ay ahayd maalintii loo dareeray afti dadweyne oo loo codaynayo dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, inamadii iyo hablihii dhashay wakhtigaa qaangaadhkii sanado ayey kor u dhaafeen.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee muhiimka ah ee dastuurka ku jira waxa ka mid in ay shacabku fursad u helaan in ay iyagu rabitaankooga wax ku doortaan oo awoodii baa gacanta qofka muwaadinka ah lagu soo celiyey.

Marka aad madaxwayne doorato ee aad dalkaaga usoo xusho, ayaa haddana waxa aad dooranaysaa cidii kuula xisaabtami lahayd ee shaqada ku daba joogi lahayd oo ah wakiilada dadweynaha ama xildhibaanada Golaha wakiilada hadba sida aad u taqaano.

Haddaba 17 sanadood ka dib waa sidee qiimeynteena iyo garaadkeena siyaasiga ahi, maxaa aynu wax ku qiimeynaa, sidee aynu u fikiraynaa, maxaynu wax ku kala dooranaynaa, maxaynu kula xisaabtamaynaa cidii aynu dooranay? Bal su’aalahaa isweydii

Barnaamijyada axsaabtu inoo soo bandhigeen walow ay yihiin xaashado kooban oo dul ka xaadis ah oo aan aad loogu daadegin waxa la qabanayo iyo mudada lagu qabanayo , hadii intaa ku qoran uun aanay ahayn meel kaga kac oo la fulinayo wax weyn baynu qabsan lahayn.

Laakiin barnaamijba cidi iskuma doorato ku xisaabtankii balanqaadyadii in la fuliyey na cid xasuusataaba inaguma jirto, sababaha ay siyaasadeenii la jaahwareersan tahay ayey ka mid tahay.

Waxa aad u fiirsanaysaa kuwa kursiga raba adiga oo la yaaban kuwa talada haya taagoow way ka sii liitaan, waxa mi qiyaas u ah iyaguba markii ay mucaradka ahaayeen sidan bay yeeleen.

Waayahay e maxaan kaaga daalayaa hadii aanad adigu kuwa aan saluugsanaa qorshe ka duwan aanad lahayn oo aad iyagii daba socoto sidii ay yeeleen marwalba?

Hadii adiga oo xisbiya waxwalba aanay waxba kaaga sii qorshaysnayn oo mabaa’dii cad meel kaaga oolin waxa aad la dawakhi uun dhacdo maalmeedyada oo marba jar lagaaga boodi aad ku dhacdo !!

U fiirso waxa ina badbadela oo aynu 5 sanoba la xiiqsanahay dhacdo maalmeedyo xataa aan aaminsanahay in badhkood la inagu mashquuliyo si aynaan u arag qabyooyin badan oo kale.

Mucaradadeena iyo muxaafadadeenu marka aan la isku qiimaynayn laguna xisaabtamayn barnaamijyo siyaasi ah iyo danta dadka reer Somaliland iyo baahiyahooda bal maxay noqonaysaa usoo magac bixiya idinku ?

 

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version