Dadkii KhiyaaligaKku Noolaa Kollaba Doogsan Maysaan Intaad Dunida Joogtaane!!W/Q Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadkii KhiyaaligaKku Noolaa Kollaba Doogsan Maysaan Intaad Dunida Joogtaane!!W/Q Barkhad-ladiif.
November 13, 2018 - Written by Editor:

Ilaa lixdankii wakhtigii dawladnimada Soomaalida illaa iyo imika 2018 shacabka Soomaaliyeed waxay raadinayaan dawladnimo iyo mustaqbal aan werwar lahayn sida umadaha kale u gaadheen oo kale, nasiib daro Awoowgay ma helin, aabahayna ma helin, aniguna ma helin wiilkayguna umalayn maayo.

DOOGSAN

Miyeyna been iyo riwaayad ahayn in Faan iyo wax aan jirin isku maaweelino oo qofka soomaaligu isku haysta ka ugu raganimada iyo karti badan, ka ugu caqliga iyo garashada badan isagoo dalkiisu yahay ka aduunka ugu hooseeya oo sanad walba kaalinta kowaad ka gallay musuqmaasuqa, qabyaalada, horumar la’aanta, maamul xumadda, dagaalada macno darada ah iyo waliba gaajada iyo macaluusha caanka ku noqdeen.

Noloshaynu waxay ku dhisan tahay rajo ah barri bay dhaami, hadii kii lixdankii dhashay ilaa maanta ka dhalanaya bari bay dhaami naftiisa ku maaweeliyo oo been iyo khiyaali nafaheena u sheegno goormaynu xaqiiqada gaadhi doonna .

Maahmaahda runta ah ee Soomaali tilmaamta waxa ka mid ah “soomaali waa suntii Hargaha, musuqmaasuq soomaali waa meheradeedii”

Inagoo odhaahyadaasi caan ku ah ayeynu hadana caruurteena ugu sheekeenna inaga ugu wanaagsan oo ugu gobsan oo cid walba ka sareenna, waar caruurta beenta ka daaya soomaaliyey. haday been iyo khiyaali wax tarayso in badan baynu soo wadnee caruurteena aynu runta u sheegno inaynu eber nahay.

Gabaygii uu Abwaan Timacade tiriyey ayaa ilaa maanta ina hor yaala oo wixii uu waagaasi ka hadlayey ayeynu maanta ka hadlaynaa, waxba isma bedelin.

Wakhtigaasi qabyaaladu ka hadlayey oo waa kii lahaaa dugsi ma leh qabyaaladi, imika waxaynu isku haysanaa waa qabyaaladii, mar kale waa kii lahaa “

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dafoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye.

Mar kale waxa uu yidhi “Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye

 

QALINKII; BARKHAD-LADIIF  MAXAMED CUMAR

COMMENTS
LINKS