Qaramada Midoobey Oo Dalka Eritrea ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobey Oo Dalka Eritrea ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd.
November 14, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kulan ay yeesheen xubanaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa  isku raacay in cunaqabateynta xaga hubka iyo socdaalka  laga qaado dalka Eritrea.

Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

eritrea

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa  iyadoo cilaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.walow aan wali si rasmiya loo dhamayn colaadii udhaxaysa Eritrea iyo jabuuti oo iyadu gabi ahaanba ka maqan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ay mudooyinka wadeen wadamada itoobiya ,somaliya iyo Eritrea.

Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Dhawaan Ayay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen sidii cunaqabataynta looga qaadi lahaa eritrea iyo sidii loosii anba qaadi lahaa heshiisyadii ay ku kala saxeexdeen Asmara.

 

COMMENTS
LINKS