NOLOSHA QARSOON: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
NOLOSHA QARSOON: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen?
November 14, 2018 - Written by Editor:

Ciyaaraha marar badan waxa la barbar-dhigaa sida dagaal, waxaana kuu caddaynaysa luuqadda lagu isticmaalo falan-qaynta kubadda cagta, sida marka koox laga dhaliyo gool oo lagu adeegsado ereyadan: goolhayaha (dhul aanu ciidan joogin) iyo tababaraha: (dibu-habaynta ciidankiisa). Waxa kale oo jira ereyo la mid ah kuwa ciidamada amaba dagaalka ay galaan oo lagu isticmaalo luuqadda ciyaaraha sida Olole, hareerayn iyo cadow, xamaasadda dadka taageereyaasha ahna kama dhacdo sidii laba dal oo is laynaya.

Zidane

Kubadda cagta waxa soo martay taariikh ku xidhiidhsan ciidamada, taas oo qasab ka dhigtay in xiddigo waaweyn ay ka qayb-galaan tababarka ciidamada, shaqada qaranka iyo arrimo kale, laakiin kuma koobna kubadda cagta, balse ciyaaraha kale ee dunida ayaa dhacdooyin naxdin leh laga soo tebiyey kaddib markii ciyaartooyo ku dhinteen dagaallo ay ka qayb-galeen iyagoo askar ah.

Zinedine Zidane oo u ciyaaraya xulka da’yarta Faransiiska

Waqtigan lagu jiro, dalalka khasabka kaga dhiga dadkooda inay askar noqdaan way tiro yar yihiin, gaar ahaan waddamada Yurub oo gebi ahaanba meesha ka saaray. Tusaale ahaan, dalka Britain dadka waxa qasab ku ahaa inay ciidanka galaan xilligii Dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin sannadkii 1963-kii ayaa meesha laga saaray sharcigaas, intii ka dambaysayna qofku si xor ah ayuu ugu biiri karaa amaba uga tegi karaa, mana jiro wax ku qasbaya inuu askari noqdo.

Britain hormood ayay u noqotay dalalka Yurub oo xilli dambe joojiyey badankoodu sida France, Italy iyo Germany oo sii waday illaa sannadihii ugu horreeyey ee qarniga 21-aad amaba sii waday in qasab lagu askareeyo dadkooda xattaa burburkii Soomaaliya kaddib.

Tani waxay keentay in dad badan oo maanta magac ku leh dunida ay qayb noloshooda ka mid ah kusoo qaateen askarinimo, sida ciyaartooyo waaweyn oo dhabarka ku qaadan jiray hubka iyo qalabka milateriga, balse xilli dambe laga dhigay.

Ciidamada milateriga ee Faransiiska waxa si qasab ah loogu biiri jiray muddo 200 sannadood ah, laakiin horraantii sagaashameeyadii ayaa la yareeyey muddada uu qofku tababarka askarnimo qaadanayo amaba waajibaadka ciidanimo gudanayo laga dhigay 10 bilood, laakiin intii u dhaxaysay 1970kii illaa 1992-kii waxay ahayd 12 bilood.

Noloshii Qarsoonayd ee  Zinedine Zidane

Markaynu baadhista shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com samaysay dib ugu celino sannadkii 1991-kii, waxa jiray ciyaartoy da’yar oo lagu magacaabi jiray Zinedine Zidane oo xilligaas u ciyaari jiray naadi lagu magacaabi jiray Cannes oo uu tababare u ahaan jiray Boro Primorac oo ahaa macallin u dhashay dalkii la odhan jiray Yugoslavia laakiin hadda ka tirsan shaqaalaha tababarka ee kooxda kubadda cagta Arsenal oo uu ku sugnaa laga soo bilaabo sannadkii 1997 illaa hadda.

Cannes oo uu ku jiro Zidane waxay xili ciyaareedkii 1990-91 kaalinta afraad ka gashay horyaalka dalka Faransiiska ee Ligue 1, waxaanay sannadkii xigtay ka qayb-galay UEFA Cup oo ahayd markii ugu horreysay ee taariikheeeda. Zidane xilligaas kuma koobnayn Cannes oo kaliya, balse waxa kale oo uu ku jiray xulka qaranka France ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka oo sannadkii 1990-kii lagu daray.

Arrin murugo leh oo inta badan aanay dadku ogeyn ayaa Zidane uu sannadkii 1991-kii galay, markaas oo si khasab ah loogu yeedhay inuu ku biiro ciidamada milateriga oo waajib ku ahayd qof walba, waxaana uu ka mid noqday unuggii loo yaqaanay Bataillon de Joinville, laakiin nasiib wanaag may ahayn milateri joogto ah, waxaase ay ahaayeen ciidamo kayd ah oo inta badan ay ku jiraan ciyaartooyo hore iyo dad kale oo magac lahaa. Waxa uga sii horreeyey Zidane halyeeyadii Faransiiska ee Michel Platini, Alain Prost iyo Yannick Noah oo dhamaantood unugtan ka mid ahaa.

Nasiib wanaagsanaa!!!

Zidane waxa uu nasiib wanaagsan ku yeeshay inuu ku biiray milateriga xilli muhiim ahaa oo si degdeg ah uga dhamaaday, isaga oo ka qayb-galay tartamo ciyaareed oo milateriga dalalka Yurub ay lahaayeen.

Sannadkii 1991-kii waxa la qabtay tartanka ciidamada Milateriga Adduunka (Military World Games), waxaana xulka qaranka ciidamada Faransiiska oo uu tababare u ahaa Roger Lemerre ku jiray ciyaartooyo uu ku jiray Zinedine Zidane.

Tartankan oo lagu qabtay Netherlands, waxa uu ka koobnaa saddex group oo mid walba labada dal ee ugu sarreeya ay u gudbayaan wareegga labaad. Faransiiska ayaa ciyaartii koowaad la kulmay Guul-darro uu u xambaarisay dalka Turkigu, laakiin waxay si weyn uga guuleysteen Guinea, sidaana waxay ugu gudbeen wareegga labaad. Kaddib waxay la ciyaareen Italy iyo Netherlands (Holland) oo kasoo baxay hormo kale. Kulankii koowaad waxay barbar-dhac la galeen Talyaaniga, kaddibna waxay guul dirqi ah ka gaadheen martigeliyeyaasha Holland, laakiin taasi kumay filnaanin inay finalka tagaan, waxaana ka hor yimid Turkey oo mar kale karbaashay, waxaana Faransiisku uu galay kaalinta saddexaad.

Zidane iyo saaxiibadiisii xilligaas, waxay ku dhamaysteen koob la’aan oo ay tartankaas ciidamada adduunka uga soo laabteen, laakiin waxa nasiib wanaag ahayd inuu dib ugu laabtay kooxdiisii Cannes ee ay ciidamadu ka kaxaysteen, kaddib wuxuu uga wareegay Bordeaux ka hor intii aanu Juventus ka degin, ku guuleysanin Koobkii Adduunka, wacdarona ka dhigin Real Madrid.

Shaqadiisii ciidanimo intaas kumay dhamaanin, waxaana dib loogu yeedhay sannadkii 1993-kii oo tartankii Milateriga mar kale la qabtay. Tartankan waxa ka reebay Jarmalka oo 3-0 ku dhuftay, kaalinta saddexaadna galay, waxaase finalka iskugu soo baxay labada dal ee Woqooyiga Afrika ee Masar iyo Morocco, waxaana ciyaar waqti dheeraad ah lagu daray ay guushu ku raacday Masar oo koobkaas ku guuleystay.

Sannadkii 2001 ayaa madaxweynihii xilligaas ee dalka Faransiiska Jacques Chirac waxa uu gebi ahaanba tirtiray sharciga dadka ciidamaynaya, wixii intaas ka dambeeyeyna may jirin ciyaartooyo iyo dad kale oo magac leh oo qaab khasab ah ugu biiray ciidamada dalkaas.

Intii ka horreysay, ciyaartooyo badan oo da’yaraa oo lahaa hibo, tayo iyo magac weyn oo ay dunidu isha ku haysay ayaa lagu qasbay inay askar noqdaan, laakiin qaarkood waxay waajibkoodaas ku guteen inay ka qayb-galaan ciyaaro koox kubadda cagta oo milaterigu lahaayeen ay ciyaari jirtay.

Sannadkii 1995-kii ayaa mar kale uu Zidane shaqada ciidamada galay isagoo uu tababare Lemare u yeedhay, waxayse ku guuleysteen Koobka oo muddo 30 sannadood ah oo ay tartanka ka qayb-galeen ay markii ugu horreysay hanteen. Tartankaas oo lagu qabtay dalka Talyaaniga waxay, waxa kale oo ciyaaray xiddigihii dahabka ahaa ee reer Talyaani ee Alessandro Del Piero iyo Fabio Cannavaro oo finalka ay iskugu yimaaddeen Faransiiska.

Waqtigaas uu Zidane ku jiray ciidamada, waxa kale oo iyaguna soo maray oo ay milateriga ka wada tirsanaayeen Fabien Barthez, Emmanuel Petit iyo Bixente Lizarazu oo ugu dambayn ay Koobkii Adduunka ee 1998 ku wada guuleysten.

Laba Adduunyo oo kala duwan

Waxa kale oo jira ciyaartooyo badan oo kale oo tusaale loo soo qaadan karo marka laga hadlayo shaqada qaranka ee ciidamaynta ciyaartooyga. Gianluca Vialli ayaa dalka Talyaaniga u qaaday Koobkii Milateriga Adduunka 19987 iyadoo ay is garab taagnaayeen Ciro Ferrara, laakiin dhinaca Jarmalka, halyeygii Jurgen Klinsmann ayaa markii ay da’diisu ahayd 18 jir loo diray tababarka milateriga.

Bruce Grobbellaar oo markii dambe u ciyaaray England ayaa waxa uu waqti kusoo qaatay ciidamada Milateriga Rhodesia oo hadda loo yaqaano Zimbabwe, waxaase tusaale weyn ah Kmimi Rikkonen oo ah shaqsiga lagu xasuusto baabuurta dheeraysa ee Formula 1 oo milateriga Finland ku jiray horraantii labaataneeyadii.

Si kastaba ha ahaatee, sheekadan oo isku soo koobtay min Zidane illaa Grobbellaar oo Zimbabwe iyo England u ciyaaray ayaa waxay bannaanka soo dhigtay sida ay ciyaartoyga waaweyn ee dunidu qaar badan uga mid ahaayeen ciidamada milateriga dalalkooda.

Waxa diyaariyey: Abdiwahab Ahmed Abeye – tifaftiraha shabakadda ciyaaraha cadalool.com  iyo cadalool.net

COMMENTS
LINKS