Xaalada Cisbitaalka Magaalada Gabiley Oo Laga Dayrinayo Iyo Bulshada Oo Khaati Ka Taagan Lacago Xad Dhaaf Ah Oo Laga Qaado Bukaanka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalada Cisbitaalka Magaalada Gabiley Oo Laga Dayrinayo Iyo Bulshada Oo Khaati Ka Taagan Lacago Xad Dhaaf Ah Oo Laga Qaado Bukaanka,
November 14, 2018 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Cusbitaalka Magaalada Gabiley ayaa ka mida kuwa ay wasaarada caafimaadku maamusho iyadoo shaqaalaha ka hawlgala ay dawladu siiso mushahar, Sidoo kale dhakhtarka Magaalada Gabiley ayaa waxaa lacag kab ah siisa dawlada dhexe iyo dawlada hoose ee Gabiley kuwaasi oo ujeedada dhaqaalahan loo siiyaa ay tahay in bukaanku ka helo adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin iyadoo ay ka hawlgalaan Dhakhaatiir ajaanib ah iyo kuwa muwaadiniin ah  kuna Takhasusay daawaynta cudurada iyo Qaliinada kala duwan.

gabiley husbital 2

Hadaba iyadoo khatarka degmada Gabiley ka mid yahay kuwa ay dawladu gacanta ku hayso ayaa waxaa mudooyinkii u Danbeeyay bulshada reer Gabiley khaati ka taagnayd lacago xad dhaafa oo maamulka cisbitaalku ka qaadaan bukaanada  kala duwan ee u yimaada in ay ka helaan adeegyo caafimaad oo bilaasha amaba ka jaban kuwa ay bixiyeen cisbitaalada gaarka loo leeyahay.

khatarka gabiley

Qaarkamida bulshad reer Gabiley ee iyagu adeegyada caafimaad u doonta dhakhtarka Gabiley iyo dadka danyarta ee aan gabi ahaanba iska bixin karin lacagaha sharci darada ee ay maamulka cisbitaalku jideeyeen ayaa ka dayriyay xaalada maamul ee Dhakhtarka gabiley.

Mid kamida hooyooyinka  ku dhaqan Magaalada  Gabiley ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay lacagaha sharci darada ah ee ay maamulka cisbitaalku ku soo rogeen bulshada bukaan jiifka ah,hooyadan oo waxyaabaha ay indhaheeda kusoo aragtay ka warantay  ayaa hadaladeedii waxa ka mid ahaa  “Hooyo waxan dhakhtarka kula jiray gabadh aan dhalay oo umulaysay iyada xaaladeedu noqotay in lagu qalo ilmaha balse nasiib daro maamulaha dhakhtarka ayaa nagu wargaliyay in aanu bixino lacag dhan 300$ manaanu awoodi karayn lacagtaasi, waxayse nagu noqotay khasab in aanu bixino hadii kale ay gabadhii iyo ilmihii isku go,aan dhatarka gabiley waxaan moodaynay in uu yahay cisbitaalkii dawlada balse wuxu noqday meel kawaan ah oo dadka cidii wax haysata uun loo shaqeeyo danyartiina ku dhiban tahay ayay hadalkeega ku koobtay hooyadani. Dhacdooyinka ka taagan dhakharta gabiley maaha uun tan oo kaliya ee dhamaan wax kasta oo ay bulshadu uga baahato adeeg caafimaad waxa ku xidhan dhaqaale ay samaysteen maamulka cisbitaalku.

Si kastaba ha ahaatee Dhakhtarka degmada Gabiley ayaa noqday mid duruufaha  ka taagan ay gabi ahaanba xukuumadu ka warhaynin iyadoo wax saamayn ah aanu kulahayn iskuduwaha wasaarada caafimaadku halka   maamulka degmada gabileyna aanay   dhag jalaq u siin duruufaha adag ee ku gadaaman cisbitaakka iyo cabashada dadwaynaha toona, Taasi ka dhigtay  mid maamulka xiligan gacanta ku hayaan Dhakhtarku  uu siduu doono ugu tagri fala awoodii dawladnimo.

Kuma koobna oo kaliya duruufaha iyo fadeexdaha dul hoganaya maamulka Cisbitaalka Gabilay inta aynu kor ku xusnay balse waxaanse  bulshada  usoo bandhigi doontaa xogta dhibaatooyin hor leh oo ay shacabka ku dhaqan degmada Gabilay kala kulmaan maamulka Cisbitaalka kuwaasi oo dhabar jab ku ah qaranimada Somaliland.

la Soco Warbixino Iyo Muuqaalo Aanu Idiinka soo gudbin Doono Xogta dhabta ee ka jirta cisbitaalka gabiley.

Wajaalenews desk

Gabiley office

Email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS