Wasiirka Beeraha JSL Oo Soo Kormeeray ‘KALA-HUFIDDA’ Hadhuudhkii Wasaaraddu Ka Qodday Banka Wajaale Oo Marxaladdii U Dambaysey Maraysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha JSL Oo Soo Kormeeray ‘KALA-HUFIDDA’ Hadhuudhkii Wasaaraddu Ka Qodday Banka Wajaale Oo Marxaladdii U Dambaysey Maraysa!
November 15, 2018 - Written by Editor:

Tog Wajaale (W,N) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Dr. Axmed Cali Maax, ayaa Gelinkii dambe ee Maanta kormeer ku tagay Mashruuca Beeraha ee Banka Wajaale.

BEERAHA 4

Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ayaa soo kormeeray hawsha Kala Hufidda Hadhuudhka Wasaaraddu halkaa ka qodday, kaasi oo dhawaan Madaxa laga jaray isla-markaana ay hadda socoto kala hufkiisu.

BEERAHA 5

Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Agaasime Axmed Cali, ayaa markii ay halkaa gaadheen waxa ku soo dhaweeyay Maareeyaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha u qaabilsan Mashruuca Beeraha ee Banka Wajaale Mowliid Xasan Cabdi, waxaanu Maareeyuhu labada Masuul War-bixin ka siiyey sida ay u socoto Kala Hufidda Hadhaadhka laga beeray Wajaale, kaasi oo boqolkiiba 90 ka ahaa Dalagyada halkaa Wasaaraddu ka beertay.

BEERAHA 3

Maareeyuhu wuxuu sheegay in hawsha Kala Hufidda Hadhuudhka soo go’ay ay u adeegsanayaan Mishiinno Wasaaraddu ugu Talo-gashay Kala Hufidda hadhuudhka.

BEERAHA 2

Waxa kale oo uu sheegay in Kala Huffida Hadhuudhkan ay ka qayb-qaadanayaan Shaqaale Wasaaradda Horumarinta Beeruhu hawl-galisay, kuwaasi oo si maalin leh halkaa uga shaqeeya halkaasi.

Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Agaasime Guud ee Wasaaradda Beeraha JSL Dr. Axmed Cali Maax, ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay ka qayb-qaateen hawsha kala Hufidda hadhuudhkaasi.

Ugu dambayn, Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa u Mahad-naqay Maareeyaha Wasaaradda Beeraha u qaabilsan Mashruuca Wajaale oo ay ku bogaadiyeen sida uu hawsha u wado iyo Shaqaalaha sida Maalinlaha ah uga qayb-qaadanaya Kala Hufidda Hadhuudhkaasi.

BEERAHA 1

Dalagyada Wasaaraddu ka qodday Banka Wajaale, ayaa qayb ka ah Mashaariic wax soo-saar oo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ka hirgelisay deegaanka Beer oo Gobolka Togdheer ah iyo Xaaxi oo ka mid ah Gobolka Daad-madheedh.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qorsheysay in Mashaariic wax soo-saar oo kuwaa la fuliyey la mid ah ka hirgeliso Gobollada kale ee Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS