Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Qorshaha Itoobiya Ku Doonayso In Somaliya Cunaqabatayta Hubka Lagaga Qaado Iyo Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Qorshaha Itoobiya Ku Doonayso In Somaliya Cunaqabatayta Hubka Lagaga Qaado Iyo Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta,
November 15, 2018 - Written by Editor:

“Itoobiya Maaha Tii Somaliland Danaheeda Istaraajiga ah Ka lahayd Ee Waa Mid Cusub, Intii Abiye Axmed Uu Raisul Wasaaraha ka Noqtay! Cali Guray.

ITOOBIYA: SOMALILAND MIYAY LA JIRTAA MISE WAY KA JIRTAA? Cali Guray .

Cunaqabaynta oo laga qaado Somaliya cidda ka faaiidaysa waa la gararanayaa oo waa Ashabaab iyo Daacish oo ka faromaroojin kara hadh cadna ka tirsan kara ciidamada aan Runtii ahayn ciidamo qaran ee kuwo reerood ah hadana loo bixiyay Xooga Dalka Soomaaliyeed. Waxa nasiib darro ah Somaliland halka lagu gorfaynayo arimaha khuseeyaa waa goobo aan cidi ka metelin lagana aqoonsanayn. Taas micnaheedu maaha in codkeedu aanu gaadhi karin goobaha iyo cid kasta oo ay doonto inay gaadhsiiso ee waa yaa gaadhsiin kara oo mee rageedii? Ta kale Itoobiya marka ay dalbanayso in cunaqabataynta laga qaado Somaliya, Somaliland oo ku deyran 1000KM oo xuduudeeda ah oo u godobowday amniga Itobiya ilaalintiisu miyaan la odhan karin marka aynu eegno Itoobiya maaha tii Somaliland danaheeda Istaraajiga ah ka lahayd ee waa mid cusub intii Abiye Axmed uu Raisul Wasaaraha ka noqtay? Miyaanay gar markaa noqonayn in Dawladda Somaliland ay fariin cad u dirto Itoobiya?

cali-guray

abiy

Ilaa iyo hadda Raisul Wasaare Abiye uguma jirto Somaliland ahmiyadihiisaba oo xataa wuxu ka warwareegayaa inu qaabilo Madaxwaynaha oo wax kala socodsiiyo arimahan uu dhex jibaaxayo? Laakiin iska daa isheeda ayaa laga arkaye. Marka ay bulshadu qaybsan tahay ee si wayn u qaybsan tahay bulshada caalamka waxa gaadhaya codad is-burinaya oo iska horimanaya dhinacyada gaadhsiinayaana waa kuwo dalkana wada leh een dabkana kala qaadanin markaa waxa loo wada adeegayaa maaha dantii guud ee dano shisheeye iyo dano la kala leeyahay ayaa loo kala adeegayaa waana sida ay manta tahay xaqiiqada Somaliland.

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf (cali guray)

COMMENTS
LINKS