Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Oo Kulan Layeeshay Wasiirka Ganacsiga Kenya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Oo Kulan Layeeshay Wasiirka Ganacsiga Kenya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.
November 16, 2018 - Written by Editor:

“Waajibaadka Aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la Wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.” ayaa lagu bilaabay.Safiirka Kenya

Kenya(W,N) Safiir-Xigeenka xafiiska JSL ee Kenya Md Ayaanle Salaad Diiriye Ayaa  xogo dheeraad ah oo u siiyey  weriye Maxamuud Walaaleye kaga warbixiyay kulam ay la yeesheen masuuliyiin kamida dawlada Kenya, wuxu yidhi,

safiirka kenya 1

Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Md Peter Munya wuxu  xafiiskiisa ku qaabilay Md Baashe Cawil Cumar iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska Safaarada JSL ee Kenya ayaa lagaga hadlay dardargelinta xidhiidhka Ganacsi ee labada wadan iyo labada shacab wadaagaan.

Kulanka oo labada dhinac arrimo kala duwan ku falanqeeyeen, isla markaana is-afgar wanaagsan ku gaadheen ayaa qeyb ka ah kulamo guud ahaan madaxda safaaradu mudooyinkii u dambeeyey la yeelanaysay madax kala duwan oo xukuumada Kenya, wakiilada Wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Saaxiibada Somaliland iyo kuwa jecel horumarkeena.

safiirka kenya 2

Dalka Kenya oo ka mid ah dalalka caalamka ee xidhiidho taariikhi ah & saaxiibtinnimada la wadaagi jiray muddo dheer Somaliland iyo shacabkeeda ayaan isla qaadanay sidii loo sii horumarin lahaa.

Gebagebadii qoraalka safaarada JSL ee dalka Kenya ka soo baxay ayaa lagu sheegay,

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno oo aan wax badan wada qabsano, sababoo ah, Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.

Kulankan dhexmaray madaxda Safaarada JSL ee Kenya & Madaxda Kenya ayaa qeyb ka noqonaya firfircooni dublamaasiyadeed oo la bilaabmay mudadii ka dambaysay magacaabistii Safiirka cusub ee dalka Kenya u fadhiya JSL Md Baashe Cawil Cumar oo xilligan laga joogo muddo saddex bilood ah.

COMMENTS
LINKS