Dawlada Itoobiya Xabsiga Utaxaabtay Col Gabre Oo Ahaa Sarkaal Siweyn Looga Yaqaanay Soomaaliya Iyo Danbiyada Loo Haysto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Xabsiga Utaxaabtay Col Gabre Oo Ahaa Sarkaal Siweyn Looga Yaqaanay Soomaaliya Iyo Danbiyada Loo Haysto.
November 16, 2018 - Written by Editor:

Muqdisho(W,N) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay Colonel Gebregziabher Alemseged laakiin Soomaalidu u taqaanno Col Gabre kaddib markii lagu soo oogay dacwado la xidhiidha gabood fallo kala duwan.

COL Gebre

Gabre ayaa ku eedeysay danbiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo in uu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga.

Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceydhiyay bishii June ee sanadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dab-galka iyo xariga saraakiil hore oo ka tirsanaa laamaha kala duwan ee Amniga kuwaa oo ku eedeysan fal danbiyeey-do kala gadisan, musuqmaasuq iyo waliba hurinta dagaallo dad badan badani ku dhinteen.

Col Gabre ayaa siweyn looga yaqaanaa gudaha dalka Soomaaliya isaga oo waqtiggiisa ugu badan ku qaatay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwanna ula soo shaqeeyay dowladdihii dalka isaga danbeeyay.

XIGASHO HIIRAAN ONLINE;

 

COMMENTS
LINKS