WAJAALE NEWS

Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Isbeddellada Ka Dhacay Dalalka Muslimiinta, Markii Laga Leexday Dariiqii Rasuulka (CSW).

“Xukuumadda Iyo Madaxweynaha Maanta Jooga Waxaan Leeyahay Shareecada Oo la fuliyo Innagaa Ku Bedbaadayna”Sheekh Aadansiiro.

Hargeysa (W,N) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Dacwaddii Rasuulkeena Muxamed (CSW) iyo dhibaatooyinka ay Maanta waajahayaan Dadka Muslimiinta ahi markay ka leexdeen dariiqii Saxda ahaa ee Nebiyullaahi Muxamed.

Sheekh Aadan wuxuu sheegay in Nebigeenna Muxamed (CSW) uu 1440 sannadood ka hor hirgeliyey Caddaalad iyo sinnaan ka hano-qaadday dhulkii ay Dacwaddiisu gaadhay isla-markaana la waayay Cid baahan, balse xilligan oo Dacwaddii Rasuulka laga joogo 1440 sannadood ay Muslimiinta haystaan dhibaatooyin kala duwan, kuwaasi oo dhammaantood ka dhashay dariiq aan kii Rasuulka ahayn oo ay raaceen.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan si kooban uga hadlayaa Maxaa isbeddelay 1440 Sannadood oo laga soo wareegay Dacwaddii Rasuulka (CSW). ? maxaa jiray Rasuulka ka hor, muxuuse ka beddelay Rasuulku (CSW) 23-kii sanadood ee uu Dacwadda waday,  Rasuulku (CSW) wuxuu sameeyay Caddaalad ay Dadku u siman yihiin, wuxuu sameeyay in Dadka laga waayo Cid baahan, laakiin markii Jidkiisii laga leexday Dadkii Muslimiinta ahaa waxa haysta Faqri, dagaal iyo leeleel, waar Shareecada u gargaara. Maxaa soo kordhay markii Muslimiintu ka leexdeen Dariiqii Rasuulka ?. 1440 sannadood ka dib, waxa isbeddelay waynu u taaganahay, waynu u taaganahay waxa Maanta ay Muslimiintu ku sugan yihiin, Hantida Muslimiinta ee la boobayo, Xubnaha Muslimiinta ee la adeegsanayo (Spare parts), Madaxoodii baa Muslimiinta la cashuurayaa.”

Sheekha oo khudbaddiisa sii wada ayaa sheegay in dhibaatooyinka haysta Muslimiinta reer Somaliland ka mid yihiin ay tahay in Madaxdoodu aanay shaqooyinka u dirin Cid ku habboon ee Qofka ay waajibaad u dirayaan ku xushaan mid aan ahayn dariiqii Rasuulka (CSW) sheegay ee ahaa in Qof walba halka ku habboon loo dhiibo “Maxaa Maanta haysta Maamullada Muslimiinta ee Maamulkeenu ka mid yahay? yaa I jecel, yaa siyaasadda aan doonayo keligeed ku kooban oo fulinaya, bal orodoo Waddooyinkeena eeg, Nin kasta oo lacag haystaa wuu gelayaa, halkaynu maraynay ayaynu wada xidhnay, Dawlad inna hagtaa ma jirto, Baayac-mushtar inna hagaa ma jiro, waxaynu ku heshiinay in Nin walba siduu doono yeelo, Xukuumad kasta Cidda wax la boobaysaa waa Shacabka, waa ayo Ninka Qandaraaska qaadanayaa, waa ayo Ninka Lacagta la gurguuranayaa marka Hantida Ummadda la iibinayo…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaad doonayso in wax hano-qaadaan waa inaad kala doorataa Dadka, mashruuc kasta oo aad fulinayso waa inaad u doorataa Cidda ku habboon iyo sida ugu habboon, Rasuulku (CSW) wuxuu ina faray markaad hawl fulinayno waa inaad tidhaahdo yaa ku habboon, in Qof walba meesha ku habboon dhigno.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Somaliland laga fuliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka  “Haddaynu Shareecada fulino Cid ka saraynaysa Cid kale ma jirayso, markaa Xukuumadda iyo Madaxweynaha Maanta jooga waxaan leeyahay Shareecada oo la fuliyo innagaa ku bedbaadayna…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu khudbaddiisa kaga hadlay dedaalkii Culimadii hore geliyeen inay Dadka Diinta baraan, isagoo barbar-dhigay Culimada Maanta “Anigan idinla hadlayaa Qur’aanka Bilaash baan ku soo bartay, Culimo dedaalaysa oo khayr badan ayaa Diinta na soo bartay oo aan shilin naga qaadan. Imika lama helayo Qof Qur’aanka bartay oo meel Hargeysa 18KM u jirta taga, balse wax Alaale iyo waxaa Qur’aanka bartay wuxuu doonayaa inuu isagoo Laydhkaa Cad ee Magaalada dhex marmaraya uu Lacag badan ku helo, laakiin kuwa wax laga sheegayaa (Culimadii hore) waa kuwii Galbeed tagay ee Dadka Diinta soo gaadhsiiyey ee Qur’aanka baray ee aan Dadka Lacag waydiin jirin, balse Dhallinyarada cusub ee khayrka badan waxay ku fashilmeen inay Dadka Qur’aanka oo keliya ka haqab-tiraan.”Ayuu yidhi sheikh aadansiiro.

 

Exit mobile version