“Hadii Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado Muqdisho, Bililiqadu Meel Kasta Way Gaadhi Hargeysana Qiimaha AK47 Wuxu Ku Soo Dhici 100 Dollar”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadii Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado Muqdisho, Bililiqadu Meel Kasta Way Gaadhi Hargeysana Qiimaha AK47 Wuxu Ku Soo Dhici 100 Dollar”Cali Guray.
November 16, 2018 - Written by Editor:

NINBA TIMO XAMAR

Iska Daaya Hadii cunaqabataynta hubka laga qaado Muqdisho bililiqadu meel kasta way gaadhi Hargeysana qiimaha AK47 wuxu ku soo dhici 100 doolare. Meeye warshadihii dhamaa iyo taalooyinkii ku ooli jiray? hadh cad baa la fadhataystay ma hub baa ku hakan bay idinla tahay. Taangiga ayaa waslad waslad loo furfuran inta ugu badanina waxa ka dhacsan kooxaha ugu xooga badan kooxaha hubaysan ee ka jira gaar ahaa Beledwayn ilaa Kismaayo. Wixii ka soo hadha cid kasta waxa u haya jeebkeeda.

cali guray

Laakiin maan fahmin waxay Itoobiya uga jeedo cunaqabataynta hubka ha laga qaado Somalia eh ma nasteexo ayay ka wadaan mise soomaaliyi ha isu adeegsato oo iyado gam ha iska siiso si calanka Itoobiya Indian Oceanka dacalada ula gaadho? Weger laabtuun baa la kacee lugaba ma hayee horta Itoobiya meeday? Qoomiyad walba sawta gaarkeeda calanka iyo madaxwaynaheeda u yeelatay sida ay ku socotona intii dhinac isu raaci kartaaba aakhirka dawlad bay wada noqon laakiin waxan ilaa hadda la garanayn qoomiyadda Oromada ee iyadu cid kasta la colowday cidda ay ugu dambaysta dawlad la noqon doonto hadii Itoobiya ay kala furfuranto. Qoomiyadda Soomaalidu iyadu marnna ma iilanayso waayo saw sidii aan weligayba doonayay uun noqon mayso. Hadaba bal waa labadaase ka ay noqoto ha loo wada joogo

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS