Maxay Tahay Sababta Uu Madaxweynuhu U Booqan Waayey Gobolada Bariga ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Tahay Sababta Uu Madaxweynuhu U Booqan Waayey Gobolada Bariga ?
November 16, 2018 - Written by Editor:

Madaxweynuhu marka uu cusub yahay waa inuu sanadkiisa u horeeya dardar cusub iyo wax qabad badan sameeya, isla markaana goboladii uu markii uu codka u baahna marayey ee uu wax qabadka u ballan qaaday ku noqdaa isagoo waxna qabtay waxna ugu bushaaraynaya inuu qabanayo, isagoo dadkii doortay u mahad celinaya soona ogaanaya nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin si uu qorshaha dambe ugu darsado waxa loo qabanayo.

Sanad ka bacdi waa inuu ku faanni kara gobolkasta oo uu marayo waxa uu ka hirgaliyey, tusaale hadii aan usoo qaato madaxweyne Siilaanyo safarkii ugu horeysay wuxuu baxay bishii Octobar,2011-kii 16 bilood ka dib markii arkay inuu dadkii hor tagi karo oo waxna xadhiga ka jari karo waxna dhagax dhigi karo.

Waxaanu lugtiisii u horeysay ku tagay Jiida hore ee ciidanka qaranka ka dibna wuxuu soo maray gobolada bariga oo mashruucii ugu balaadhnaa ka fulinayey jidka dheer ee Burco iyo Sanaag isku xidha, halka galbeedkana uu ka fuliyey jidka Gabilay iyo Boorama isku xidha.

Madaxweyne Silaanyo sanadkiisii kowaad ayuu qabtay wixii uu todobadda sanadood ee kale la qaban lahaa amaba KULMIYE ku faaanayey wakhtigiii ololaha,waxaana shaqadaasi adag u hirgaliyey rag culculus oo hore loo soo tijaabiyey oo uu ku kalsoon yahay ayuu shaqada u dhiibay, taas ayaa keentay in mar kaliya gobol walba shacab iyo dawlad wada socdaa hirgaliyaan wadooyin badan, iyadoo deegaan walba u balan qaadaysa hadii shan KM oo waddo ah dhistaan iyaguna ugu darayaan shan kale, taasina waxay keentay inay bulshaddu ku tartamaan wax qabad xaga wadooyinka ah.

Hadabba, madaxweyne Biixi waxa u dhamaaday hal sanno walina shacabku may dareemin wax qabad la taaban karo, sababta ugu weyn ee uu uga maagayaa inuu booqdo goboladana waxaan jirin wax uu shacabkii doortay la hortago. marka laga reebo jidka Ceerigaabo oo meel fiican maraya oo in badan ku dareen iyo wasaarada Beeraha oo wax soo saarkii dalka si wanaagsan u wadda.

Madaxweynuhu sanadkiisii kowaad wuu ogaaday wasiirka uu u baahan yahay ee wax qabanaya iyo ka aan waxba qaban, hadda loo baahan yahay inuu seefta la dhex qaado oo mid walba ku abaal marayo waxa uu shacabkiisa u qabtay.

QALINKII BARKHAD-LADIIF CUMAR

COMMENTS
LINKS