Waaxda Sirddoonka Mareykanka oo Ku Eedeeysay Dilka Kaashugji Maxamed Bin Salmaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waaxda Sirddoonka Mareykanka oo Ku Eedeeysay Dilka Kaashugji Maxamed Bin Salmaan
November 17, 2018 - Written by Reporter:

Riyaad (WJN)- Waaxda sirddoonka Mareykanka ee CIA ayaa rumaysan in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu kasoo baxay amarka lagu dilay weriye Jamaal Kaashugji, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

illo wareedyo ku dhaw waaxdan ayaa faahfaahin ka bixiyay qiimaynta lagu sameeyay caddeymaha la hayo.

Waxay sheegeen inaysan garaneynin cidda dambiga gaysatay balse ay filayaan in howlgalka noocaasi ah ee lagu dilay Jamaal uu ahaa mid isaga uu qalinka ku duugay.

Shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay.

Hilbihii ayaa loogu dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.

Dadka dhaliila waxay aaminsan yihiin in dhaxal sugaha uu dilka wax ka ogaa

“Khaashuqji ayaa lagu duray Irbad sun ah, ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar” ayuu ku sii daray.

Dowladda Sucuudiga waxay beenisay eedeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa qorshaha lagu dilay Kaashugji.

Weriye Jamaal Kaashugji ayaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilaya gudaha qunsuliyadda Istanbul, ilaa iyo haataan meydkiisa lama helin.

Turkiga wuxuu ku adkeysanayaa in amarka lagu dilay Kaashugji uu kasoo baxay taliska ugu sarreyo Sucuudiga.

Waxaa dalka Sucuudiga ka socdaa Salaatul qaa’ib lagu tukanayo maydka Jamaal Kashuugji.

COMMENTS
LINKS