Tagaasida Hargeysa oo Loo Diiday Jidka Madaxtooyada! “Ma Garanayno Sababta Naloo Handaraabayo..” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tagaasida Hargeysa oo Loo Diiday Jidka Madaxtooyada! “Ma Garanayno Sababta Naloo Handaraabayo..”
November 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Gaadiidka yar yar ee loo yaqaan Vitis-ta (Tagaasida), ayaa maanta laga madnuucay in ay hor maraan jidka halbowlaha ah ee hor-mara Madaxtooyada Somaliland, waxaanay Tagsiilayaashu sheegeen inaanay illaa hadda garanayn Sababta loo diiddan yahay. Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Faysal Xiis, ayaa sheegay inay fulinayaan Amar Wasiirka Gaadiidku soo saaray.

Tagsiilayaasha ayuu Taliye Faysal Xiis sheegay inay Sharci-darro ku muddaharaadeen Jimcihii shalay, isla markaana aanay oggolaanayn cid Sharci-darro ku socota, siduu hadalka u yidhi. Waxaanu xusay inay Ciidan ahaan ayidsan yihiin go’aanka Wasiirka Gaadiidku ku mamnuucay inay gobollada u kala safraan Gaadiidka Vitistu Tagsiileyaashu.

Taliyaha ciidanka Nabad geliyada Wadooyinka Somaliland ahna Af-hayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiis ayaa ka hadley sababta gaadiidkan loogu diiday inay hor maraan jidka hormara aqalka Madaxtooyada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka:-

COMMENTS
LINKS