Birtu Dambi Bay Samayn Ee Qofka Wadda Ha Lala Xisaabtamo!W/Q; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Birtu Dambi Bay Samayn Ee Qofka Wadda Ha Lala Xisaabtamo!W/Q; Barkhad-ladiif.
November 17, 2018 - Written by Editor:

Handaraab bay Sheegi jireen ee Handaraabkii Dhabta Ahaa Waxa Uu ku Dhacay Gaadiidkii Yar yaraa Ee VITZ-ta oo markii Magaalada lagu dhex handaraabay ee la yidhi dhinacna ha u dhaafina lagu xigsiiyey jidka madaxtooyadana ha marina.

vitis

Mawliid wuxuu la socday galinkii hore ee maanta gaadhi Vitz ah oo uu doonayey inuu xaaskiisa ku geeyo cisbitaalka, haseyeeshee waa loo diiday inay madaxtooyada hor maraan waana laga soocay gaadiid kii kale ee jidka marayey, waxaanay dantu ku kaliftay inuu ka soo wareego dhinaca dambe ee madaxtooyada oo uu halkaasi ka soo gallo cisbitaalka.

Sidoo kale, muwaadin gaadhigan wata oo ku socday qof xanuunsanaya oo magaalada ka baxsan ayaa loo diiday inuu soo qaado oo lagu yidhi gaadhi kale soo kaxayso gaadhigan magaalada kama bixi karo, bal sawiro adigoo gaadhigaagii sabab la’aan lagugu diido inaad magaalada ka baxdid.

Hadii aad maqli jirey midab takoor waxa hada socda gaadhi takoor qaarna shaqooyinkooda la xadiday qaarna meel walba fasax yihiin.

Dambi ma gaadhiga gala mise qofka wada, birtu waxba may samayn ee waa shay aynu inagu isticmaalo ee ninka hogaaminaya ayaa khalad ay birtu samayso lagala xisaabtamayaa, marta gaadhiga la haysto waxa ka fiican in ninka wadda lala xisaabtamo oo dirawalnimadiisa la hubiyo, laakiin in gaadiidka qaar la xadido isku socodkooda wax cidna Ogolaan karto ama la qaadan karo maaha. Dadka danyarta ahina waa gaadiidka inta badan danahooga ku fushadaan.

QALINKII; BARKHAD LADIIF MAXAMED CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS