Cayaaryahannada Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee loo soo xulay Abaarmarinta Sanadlaha ah ee BBC-du ay bixiyso oo lagu dhawaaqay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cayaaryahannada Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee loo soo xulay Abaarmarinta Sanadlaha ah ee BBC-du ay bixiyso oo lagu dhawaaqay
November 17, 2018 - Written by Reporter:

Shanta cayaaryahan ee Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee loo soo xulay abaalmarinta sanadlaha ah ee BBC-da ayaa lagu dhawaaqay.

Cayaaryahannada lasoo xulay ayaa kala ah Medhi Benatia oo u dhashay dalka Morocco, Sadio Mane oo u dhashay Senegal, Thomas Partey oo u dhashay Ghana, iyo Mohamed Salah oo u dhashay Masar.

Codaynta ayaa furmaysa 17-ka November sacaadda Afrika Bari markay tahay 10:00 Afrikada Bari waxayna xidhmaysaa 11:00.

Natiijada ayaa looga dhawaaqi doonaa barnaamijka BBC-da ee BBC World News marka taariikhdu ay tahay 14 December saacadduna tahay 17:30 BST.

Cayaaryahannada liiska kujira ayaa waxaa soo xulay guddi ku xeeldheer kubadda cagta ee Afrika.

Laacibka Liverpool u cayaara ee Salah ayaa ku guulaystay abaalmarintii sanadkii hore, waxaana isla abaalmarintaan hore ugu guulaystay Jay-Jay Okocha, Michael Essien, Didier Drogba, Yaya Toure iyo Riyad Mahrez.

Tartameyaasha

Cayaaryahanka difaaca uga cayaara kooxda Juventus Benati, ee 31 jirka ah ayaa sanadkan ku guulaystay koobkii afraad ee xidhiidh ah – laba koob wuxuu la qaaday Bayern Munich halka labo kalena uu kula guulaystay Juventus, wuxuuna kabtan u ahaa xulka qaranka Morocco koobkii adduunka ee dhawaan dhammaaday.

Medhi Benatia (Morocco), Kalidou Koulibaly (Senegal), Sadio Mane (Senegal), Thomas Partey (Ghana) iyo Mohamed Salah (Egypt)

Cayaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda Napoli Koulibaly, ee 27 jirka ah, ayaa qaybtiisa ka cayaaray dagaalka ay kooxdiisu ugu jirto sidii ay kooxda Juve uga qaadi lahayd koobka Serie A. Wuxuu dalkiisa Senegal u cayaaray dhammaan 270-kii daqiiqo ee Koobka Adduunka.

Cayaaaryahanka weerarka ciyaara kooxda Liverpool, Mane, ee 26 jirka ah ayaa sidoo kale u cayaaray Senegal dhammaan cayaarihii Koobka Adduunka, isagoo xulka dalkiisa u noqday kabtan laba jeer oo goolna ka dhaliyey Japan. wuxuu kale oo ahaa cayaar yahanka labaad ee ugu goolasha badan xilli cayaareedkii hore ee Champions League -ga isagoo 10 kamid ah u dhaliyey kooxdiisa Liverpool, oo uu kamid ahaa halkii gool ee uu ka dhaliyey kulankii kama dambaysta ahaa ee 3 iyo 1 ay Real Madrid uga adkaatay Liverpool.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Partey oo 25 jir ah, waxaa uu gaadhay inuu ka mid noqdo ciyaarrtooyda kooxda koowaad ee maamule Diego Simeone uu si joogto ah ciyaarta kooxdiisa ugu safto, oo ay ku jirto ciyaar uu wakhti dambe beddel ku soo galay tartankii kama dambaysta ahaa ee guushii Europa League ay kaga adkaadeen kooxda Marseille. Waxaa uu goolal ka dhaliyay ciyaaro saaxiibtinimo oo kooxdiisa dalka Ghana ay la yeelatay waddammada Japan iyo Iceland.

Laacibka weerarka uga cayaara kooxda Liverpool ee Salah, oo 26 jir ah, ayaa ku guulaystay kabta dahabka ah ee Horyaalka Ingiriiska isagoo dhaliyey 32 gool, sida Mane oo kale, waxa uu dhaliyey 10 gool kahor ciyaarta final-ka. waxa uu sidoo kale dhaliyey labo kamid ah goolashii xulkiisa qaranka ee Masar – taas oo ka dhigan 40% guushii uu xulkaas gaadhay guud ahaan tartankaas.

COMMENTS
LINKS