Xukuumadda Muuse Biixi: Sannad Kadib. Waxay Ku Ururaysaa Weedhi Ahayd “Ma Sidaan Moodayay Mise Siday Noqotay”.! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Muuse Biixi: Sannad Kadib. Waxay Ku Ururaysaa Weedhi Ahayd “Ma Sidaan Moodayay Mise Siday Noqotay”.!
November 17, 2018 - Written by Editor:

Sannad ayaa u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. 21-November 2017-kii ayuu Koomiishanku ugu dhawaaqay Murashaxiintii KULMIYE. 14 December ayuu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Golaha Wasiirada ee sawiradooda aragtaan.

xukuumada madaxwayne biixi

Maxa dib u socday dhacay sannad gudihii ?

  1. Markii kobaad tariikhda Jamhuuriyadda Somaliland waxa sannad Xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhacay in Dawlad dhan intay soo guurto ilaa Wasiiradeedi ay ku shiraan gudaha dhulka Somaliland, Gobolka Sanaag ayay Xukuumadda Puntland shirkoodi Wasiirada ilaa Madaxweynahoodi ku shireen, hore Somaliland umay soo marin hadana Gurigii Baarlamaanka ayaabay ka dhisanayaan.
  2. Sannad xileedkii koobaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa Dalka ka dhacay iska hor imadaadi ugu dhimashada badnaa muddo tobanaan sanno ah, ammarka alle ka sokow dabac ayaa ku yimi hay’adihii ammaanka iyo xil gudashadoodi kadib markay si fudud u jabeen heshiisyada nabadeed ee Beelaha la dhex dhigo. Sababtuna waa mid qudha oo ah in aan ammarkii Xukuumadda ciddii heshiiska ka baxda lagu fulin laha ay meesha ka baxaan, taas oo baqdintii Xukuumadda laga cabsan laha aan waxba layskaga tirinayn markii fulinteeda la ogaaday.
  3. Sannadkii kobaad ee xil haynta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa beenoobay oo hal-bacaad lagu lisay noqday ballamihii ummadda lagu shubaayay sannadihii u danbeeyay iyo ololihii doorashada ee lagu wareejiyay Dekadii Berbera iyo Garoonkii Afrika ugu dheera ee Berbera. Xaqul qalin uu Madaxweynuhu badh ka aha markii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu aha oo uu qaybtiisi qaatay wax ka badan ummadda ilaa hadda kama hayso mana soo gaadhin. Lama arkin Garoonkii cusbaa ee Diyaaradaha ee Berbera ee ummadda loo Sheegay in la dhisaayo. Lama hayo waddadii Wajaale ilaa Berbera ee la magacbaxday (Berbera Corridor) Dhismihii Dekeda cusub oo ballantu ahayd inta ka horaysa sannadka Madaxweynaha u dhammaaday ha sheegin.
  4. Sicir-bararka silciyay ee sameeyay guud ahaan shacbiga Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi war-baahinta shirkiisi jaraaid ee ugu horreeyay uu ku sheegay in saddex casho la siiyo wax ka qabashadiisa sannad ayaa dhammaaday halkii u saraysayna wuu marayaa, ammaradii sherkadaha isgaadhsiinta la duldhigayna aqoon la’aan iyo mad madow badane allaa ku yaqaan ayay ku soo uruurtay. Guud ahaan dhaqaalihii waddanku sannad kadib wuu soo handaraabmay, ma jiro isu socodkii Caasimadda Hargaysa iyo Dalku la wadaagi jiray waddamada Geeska Afrika, Yuhuuntii ganacsi ee Dalka ku wareegi jirtay ayaa gudhay, inta Dawladi hayso amma Dadka ka soo gasha way koobantahaye waxa meesha ka baxay maalgashigii hoose ee bulshada.

5- Ku dhaqankii sharciga iyo ololihii MBC ee aha “Saraynta sharciga” ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay sannadka xil hayntiisa u dhammaaday, tariikhda markii kobaad wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi saxeexay xeerkii Kufsiga oo sharciga waddanka ugu sareeya ka hor imanaaya, sharciga Dalka ugu sareeya waa Dastuurka, kaas oo dhigaaya “In wax kasta oo Diinta Islaamka ka hor-imanaaya aanay waxba ka jirin “ Madaxweynahu sannadkiisi u horeeyay ayuu sharci jabin galay. Waxa la kordhiyay cashuuro aan Golaha sharci dajintu ansixinin markii kobaad Somaliland intii Xukuumaddo soo maray, xitaa kuwii hore waxay kordhinayaan cashuur Golaha sharci dajinta ayay ka ansaxsan jireen itaalka, Xukuumadda Muuse Biixi way garab martay, cashuuraha sannadka xil haynta Madaxweyne Muuse Biixi la kordhiyay waxa ugu xoogan shidaalka oo wax kasta ku xidhan yihiin nolosha Somaliland.

6- 21-sanno kadib ilaa 1997-kii shacbiga Somaliland sannadka u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi wuxuu u aha miday kala qaybsanaanta ay quluubtoodu kala durugtay gaadhay halkii u saraysay , taas oo wiiqday wadajirkii ummadda waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muddo sannad ah oo uu xilka hayay ku guul daraystay inuu shacbiga mideeyo isu dhigo Madaxweynihii mid doortay iyo mid aan dooranba, kala fogaanshaha bulshada waxa dabka ku sii shiday hanaanka wax qaybinta Madaxweynaha oo badhkii Libaaxa uu Beeshiisa siisay bulshada intii kalena uu wixii soo hadhay u korka xaadiyay. Doorashooyinkii ayaa sannadkii koobaad ee Madaxweynaha soo oodmay mana muuqato rajo heshiis ilaa hadda.

Lixda qodob ayaynu ku soo koobayna dib u dhaca sannadka ku yimi Somaliland, wixii ay guul sheeganayaan dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi way u furantahay anigu docdii kale ayaan Iska taagay.

Tusan ..

Muniir Axmed Cigaal

Sweden

COMMENTS
LINKS