Madaxwayne Muuse Biixi Oo Lafilayo In Uu Maalinta Bari Ah Socdaalkiisi Ugu Horeeyay Ugu Baxo Gobolada Bari Iyo Caqabadaha Horyaala! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Oo Lafilayo In Uu Maalinta Bari Ah Socdaalkiisi Ugu Horeeyay Ugu Baxo Gobolada Bari Iyo Caqabadaha Horyaala!
November 17, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Mudo Sanad ku dhow Talada dalka hayay Isla markaana Aan Wax safar ah Ugu Bixin Badi Gobolada somaliland Ayaa Lafilayaa Maalinta bari ah in uu socdaalkiisii ugu horeeyey cagta dhigo isaga oo madaxwayne ah  Gobolada Bari Ee Somaliland Safarka Madaxwaynaha Somaliland oo ay ku weheliyaan xubno badan oo ka mid ah goliihisa  xukuumada  ayaa wararka laga helayaa Tibaaxeen in uu yahay socdaal xogogaal U noqosho ah  gobolada bari ee somaliland ku soo mari doono iyada oo gobolada cagta uu sii marin doono ay ka mid yihiin Togdheer,Sool iyo Sanaag oo aan wali indhaha saarin Madaxwayne Muuse biixi oo madaxwayne ah tan iyo intii loo cumaamaday talada dalka  Kaasi oo qaadan doono Mudo todobaada.

muuse biixi xili

Madaxwaynaha Somaliland ayaa mudo sanada oo uu xilka hayay uu safarkani noqon doonaa kiisii ugu horeeyay ee uu ku tago gobolada bari ee Somaliland oo xiligan ay ku gadaaman yihiin  duruufo adag oo la curtay mudadii uu talada dalka qabtay kuwaasi oo ay ugu wayn tahay colaadihii dhexmaray beelaha wada dega ceel-afwayn ee dhawaan lasoo afjaray iyo sidoo kale  dagaalka beelaha walaalaha ah  ee gobolka sool oo xal u raadintooda ay ku adkaatay xukuumada madaxwayne Biixi, Wakhtigana gogoshii nabadayntooda loo raray deegaanka somalida Etoobiya Ee jig jiga.

Dhanka kale Caqabadaha Horyaala socdaalka Madaxwayne Biixi ee xalka u baahan ayaa waxaa ka mida saamaynta ay gobolka sanaag ku yeelatay goosashada Jabhada Col Caare oo iyana door Culus ku leh kala Qaybsanaanta bulshada reer Somaliland Ee Gobolada Iyo mucaaridada adag ee Ay kala horyimaadeen xukuumada,

Sikastaba ha ahaatee Socdaalka Madaxwayne muuse biixi iyo Waftiga uu hogaaminayo ayaa iyana waxaa horyaala bulshada ku dhaqan togdheer,sool iyo sanaag waxa ay xukuumadu uqabatay iyo xal uhelida arimaha ay ka sugayaa waxka qabashadeeda baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanadan iyadoo ilaa hada aanay jirin waxla taaban karo oo mudadii sanadka ahayd ay ka qabatay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay maadxwayne biixi.

Waxaase laga warsugidoonaa socdaalka madaxwayne muuse biixi iyo sida ay uqaabilaan bulshada gobolada bari ee Somaliland oo saamayn balaadhan ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu walina ay shacabku ku kala qaybsan yihiin taasi dhaymaheeda laga sugayo hadaba sida ay u dawayso xukuumada Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.CO

COMMENTS
LINKS