M/Weyne Muusoow Kani Waa Muj: Idiriskii Reer Nayroobi Ee Naf Iyo Maalba u Huray Halgankii Xorreynta Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
M/Weyne Muusoow Kani Waa Muj: Idiriskii Reer Nayroobi Ee Naf Iyo Maalba u Huray Halgankii Xorreynta Somaliland!
November 17, 2018 - Written by Editor:

Bismillaahi Raxaami Raxiim

16.11.2018

Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)

 Idirisoow ilmaa igaga timmid aragtidaadiiye,

 Haddaan anigu amar bixin karayn iyo adduun toona sawirka hoose waa Mujaahid Idiris Cusmaan

 Oo inaad abaal qaran heshana aan yar ulanaayo

 SNMna Tolkuu tahay nafluhu kala ayaan roone

 Ina Awsiciid taajir yahay wuu ildheer yahaye

 Isna Muuse iimaam ka yahay arad landteena

 Erey qudha hadduu kuu yidhaa waa la aaminiye

 Awliyada Eebbiyo anoon uunka wada gaadhin

 Oo weli adeegaaga jecel inuu awoodeysto

 In adeer in aan eego soow ila itaal maaha?

Waayadii hore marka aanu sheekeysayno nin Kenya ka yimmid oo reer Somaliland ah,waxa ugu horeeya ee aan ka xog warraysan jiray wuxuu ahaa,in aan ku idhaahdo,waarbal ninkii Idiris la odhan jiray ee SNMta ahaan jiray iiga warran? Mase

istaqaaneen,?,dabadeedna waxa taariikhdii Idiris Cusmaan waxooga iiga sheekeeyay,rag badan oo aan ka xusuusto,Mr Jamaal Cali xuseen,saaxiibkay Mustafe Axmed Jaamac iyo Mujaahid Ibraahim Cige Jaamac oo isaguna 80maadkii gudoomiyihii xafiiskii SNM ee dalka Tansaaniya ahaan jiray.

 Taariikhdu waa buur biyo qaadi karinoo,

 adduunyaduna waa baal

 iyo sida burdoogloo wey laba bogsaa,

 dadkaad baaxad sooraha bukaan uga miciintaa

 kuu beereqaayee ha goyn bariidada

 

Mujaahid Idiris waxa uu ka mid yahay Khayraadka Dalka Jamh.Somaliland

Aan ku horeeyee qofka wanaagsani waxa uu ka mid yahay,khayraadka dalkaaga,qofka xunna waxa uu ka mid

yahay,aafooyinka khatarta ah ee umadaha halaaga.aniga oo qoraa ahaan mabda;aas ka duulaya ayaan jecelahay in aan

qofkasta oo umadda Somaliland waxtar u gaystay aan la kkulmo oo barto ugana mahad celiyo waxtarkiisii dadka iyo dalka.

Sidaas darteed aad iyo aad ayaan u jeclaa in aan mujaahid Idiris oo nool la kulmo,maxaayeelay taariikh halgameedkiisii

ayaan ku jeclaaday,kaalintii waafiga ahayd ee uu halgankii SNM kasoo qaatay ayaan ku jeclahay,mujaahid Idiris waxan

nasiib wanaag la kulmay,bishii Oktoobar badhtamehedii 2018kii,waxay ahayd goor duhur ah,aniga iyo Ibraahim Cige

waxaanu joognaa Hotel Maansoor,kadibna Mr Idiris ayaa lasoo hadlay oo uu ku yidhi,Ibraahimoow waxaynu ku

casuumanahay Summertime restaurant saaxiib ii kaalay,ninbaanu wada soconaa ayuu Ibraahim uceliyay,isasoo raaca

labadiinuba ayuu Idiris Ibraahim ku yidhi,maalintaas ayaan nasiib uyeeshay in aan Muj: Idiris isbarano(waxa casuumay

Idiris rag badan oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Dhegeweyne,Xasan Guure,Siciid Shugri,Sisto,Cali Geenyo,Daa’uud

Khayre,Cali Abaanash,Cusmaan Awrliqe iyo rag kale oo badan),maalintaas saacaddii aanu wada qadaynaynay,waxan

maqlayay ereyo badan oo Idiris waxtarkiisii loogaga mahad naqayay,Siciid Shugri iyo Ibraahim dhegeweyne oo uga mahad

naqayay Idiris dereys aad u wanaagsanaa iyo dhar Jiinis u badnaa iyo kabo adag oo uu waagii halganka usoo diray, .

Akhristoow sadkaa waa janee,waxan jeclaystay in masaalka Mr Idiris aan inyar idiin taataabto,waxa uu Ibraahim Cige

iisheegay,in waagii halgankii dib u xoreynta Somaliland uu socay ee qayladhaan ka SNM ka timmaado lana go.aasado in

lacag la ururiyo inuu Idiris ugu horeynta istaagi jiray oo uu odhan jiray anigu maanta qaadhaankaas SNM waxan ku deeqay

100,000 doollar,mar iyo laba iyo saddex iyo afartoona may ahayn inta goor ee uu sidaas yeelay Idiris,waxana Idiris intaas u

dheereyd isaga oo gacanta bidix iyo gacanta midigba wax ku bixin jiray,isaga oo ahaa maalgeliyihii 1aad ee halgankii SNM

ee joogay qaaradda Afrika gudeheeda gaar ahaan dalalka Afrikada bari.

Hadaba masaalba masaal ayaa lagu kabaaye,waxan masaal usoo qaadanayaa labada nin ee ganacsatada ahaa ee Ina

Awliyo….? iyo Muj: Idiris Cusmaan ,aan idhaahdee labadaas nin waxyaalo badan oo ay wadaagaan ayaa jira ama ay iska

shabbahaan,maxaayeelay labadaas nin

– horta waxay ahaayeen laba ganacsade oo dhalinyaranimo uu maalku kusoo galay,kadibna uu Eebbe

ganacsigooda dhakhso u tanaadiyay,

– waxay ahaayeen laba nin oo lagu kuunyan jiray mowhibada deeqsinimada ee meeqaanka sare leh islamarkaana

lahaa naxariista aadaminimo,qiiro waddaniyadeed,deeq walaal,dulqaad iyo shucuurta qaaliga ah ee dad jeceylka

ee uu Eebbe addoomadiisa qaar uun uu ku gallado.

– waxay ahaayeen laba nin oo hammi sare leh oo maalkooda aanu iyaga lahayn laakiin iyagu iska leh lacagta ay

haystaan oo dadkooda goolmoon tabantaabiya

– Waxay ahaayeen laba nin oo faham qoto dheer uyeeshay ganacsga dunida ee casriga ah yaqaanayna sida uu

ganacsiga dunidu u shaqeeyo .

– Waxay ahaayeen laba nin oo leh mowhibo ganacsi iyo hal abuur dhaqaale oo dhiiranaani ku ladhan tahay, calool

adayg shaqsi iyo cawo badnaana ku meelmari jiray.

– Mujaahid Idiris waxa uu ahaa ganacsadihii keliya ee bilkasta si qarsoodiya mushahaarooyinka min 1000 doolllar ah

u qoray,madaxdii sarsare ee ururkii SNM qaarkood.

– Idiris waxa uu ahaa,ganacsadihii ciidamadii ururkii SNM sanadkasta direyska ciidan iyo dawooyinka faraha badan

usoo diri jiray,

– Idirids Cusmaan waxa uu ahaa,ninkii aqalkiisii magaalada London ku yaalay ugu deeqay oo dejiyay qoyskii iyo

caruurtii uu dhalay mid ka mid ahaa asaasayaashii ururkii SNM.

– Waxa la iisheegay inuu Idiris markii uu qaaxo yimmid ee uu arkay jaafaa jiriqii siyaasadeed ee garabyadii ururkii

SNM ka dhexeeyay uu aad iyo aad uga xummaaday oo aamus iyo af kala qaadna uu xaalkiisii ku dambeeyay.

– Waxa kale oo aan ogahay inuu Mr Idiris imika qudhankeeda markii uu yimmid dalka jamhuriyadda Somaliland uu

aad uga xummaaday aad uu uu jidhdiiday murumada siyaasadeed iyo jaafaa jiriqa ka dhexeeya hogaamiyayaasha

axsaabta siyaasadeed ee dalka Somaliland.

Afduubkiisii Idiris ee Fashilmay iyo Safarka uu Somalilandku Yimmid

Aan idhaahdee ilaahay ha ka raali noqdee,Mujaahid Idiris Cusmaan oo hadda caasimadda Somaliland ee Hargaysa ku

sugan,oo aanan filayo inuu safarkiisani yahay,kii ugu horeeyay ee uu Somaliland ku yimmid,waxan ku odhanayaa,Idirisoow

ina adeer kusoo dhowoow dalkaagii hooyo,waxa keliya ee aan ku xusuusinayaana waxa weeye,in aanay dadkeenu ahayn

sidoodii hore ee lagu yaqaanay,waxa nasoo galay,dhaqan xummo danaysi shaqsi oo doqoniimo ah,oo ku hanuunsan,kuna

shaqeeya tusmo nin maangaab ah iyo talo nin cudurka hunguri maskax qaba,wakhtigan dhaqankaas xunbaa dadkeenii

gummeeyay una ekeysiiyay, dad gun ah oo aan taariikh ummadeed iyo tub toosan oo siyaasadeed midna dan ka

lahayn.Idirisoow ina adeer intaas ogoow

Aan ku laabtee dadyohow reer Somaliland ,Mr Idiris waxa uu ahaa nin ganacsade ah oo waddamada bariga Afrika ama

East Africa aad looga yaqaanay ganacsigiisa sanadihii 80maadkii,isaga oo dalalka Kenya iyo ugaandha ka ganacsan

jiray,sida la iisheegay waxa uu asaasay shirkad weyn oo ruqsad wax dhoofin iyo waxsoo dejin ballaadhan haysatay oo

ganacsi ama laamo dibadeed lahayd,(import and export) waxana uu noqday maalqabeen weyn kaasoo ay shacabka iyo

dowladuba aad u jecel yihiin,

Mujaahid Idiris waxa uu halgankiisu kusoo hagaagay tiiyoo,ay bulshada dalkani hurinayaan halgan hubaysan oo ay isaga

dulqaadayeen gunnimo siyaasadeed iyo cadow gacan kulul oo dhulkooda xukumayay.

Idiris Cusmaan ma aanu noqonin Ismajale iyo cid ma Jaletoona laakiin waxa uu noqday,geed weyn oo ay kusoo hirtaan

hayeeyadii hurinayay halgankii hubaysna aee ururukii SNM,Idiris oo fadhigiisu Nayroobi ahaa,waxa uu noqday nin aan

Eebbe mooyaane Aadame aan ka baqanin,islamarkaana aan la gabbanin gacansiintii halgankii SNM,ambababixintii

saraakiishii halganka u tallaabaysay,taakulayntii dhaawicii SNM,dibad u diriddii dhaawicii cuslaa ee mujahaidiintii SNM iyo

waxtaristii mujaahidiintii faraha badnayd ee had iyo jeer sida habqanka ah usocon jirtay ee kusoo hagaagi jirtay Idiris ee

aqalkiisii Nayroobi hogan jiray.

Anigu qoraa ahaan Idiris magiciisa waxan maqlay badhtamihii 80aadkii aniga oo Muqdisho joogo oo arday jaamacaddii

Laflle dhigta ahaa,sababtuna waxay ahayd,illeen rag isgurayee,dowladdii muqdisho ayay basaasiinteedii bariga Afrika ay

diran jireen ayaa madaxdii Muqdisho wararkii Idiris ka badiyay,iyaga oo habeen iyo malain Muqdisho usoo tabin

jiray,Idirisbaa waxaas sameeyay Idirisbaa SNM lacag u diray,Idirisbaa Nayroobi kusoo dhoweeyay kornayl hebelkii SNMta

ahaa,idirisbaa dhaawac fara badan oo SNM ah cusbitaalada Nayroobi ku haya oo ku daweeya,inta uu Idiris Kenya joogo

dowlad ahaan,shaqo aynu jabhadaha innagasoo horjeeda ka qaban karnaa ma jirto.

Kadibna madaxweynihii dalka Kenya ee xilligaas ayuu madaxweynihii Somaliya M.S Barre u diray farriin diblomaasiyadeed

oo ka nixisay aadna u qallafsanayd,waxa uu Barre ku yidhi Mr Daaniyeel Aramooy,mudane madaxweyne waxan kaa

dalbanayaa inaad iisoo gacangelisid ninka dalkaaga Kenya joogo ee Idiris Cusmaan la yidhaahdo ee ganacsadaha

ah,maxaayeelay ninkaasi waxa weeye cadowga 1aad ee wakhtigan dowladdaydu leedahay,haddaad iisoo qabatid oo aad

diyaaradda somali airline iisoo saartid xidhiidhkeenu wuu sii wanaagsananayaa,haddii aad farrintaydan wax ka qaban

weydidna,aniguna waxan saldhig siinayaa,cadowgaaga sida jabhaddii NFD ee aan hore u baabiyiayy ee uu ina Macalin

Sanbul hogaaminayay,maalmo yar gudohoodna magaalooyinka Kenya ee xuduudaha Somaliya u dhow oo dhan qaraxa

rasaasta iyo reenka madaafiicda ayaa ka dayaami doontee ogoow.

Markii uu Daaniyeel Aramooy farrintaas helay ayuu mujaahid Idiris xabsiga dhigay,kadibna waxa uu qorsheeyay sidiii uu

usaari lahaa diyaaraddii Somali Airline,balse nasiib wanaga Idiris oo ahaa nin ay shacabka reer Kenya iyo saraakiisha

dowladdooduba aad u jecel yihiin,uun alliyo Ingiriisba waa loo wada damqaday,kadibna Idiris laftiisa ayaa xogtaas khatarta

ah loogu sheegay jeelkii Nayroobi ee uu ku jiray,

Mujaahid Idiris waxa u dhaqdhaqaaqay raggii reer Somaliland ee dalka Kenya deganaa oo dhan,dhinicii madaxdii ururkii

SNM na warkii khatarta ahaa ee in Idiris in malainta Jimcaha ee soo socata Muqdisjo laga dejin doono ayay u

tabiyeen,madaxdii SNMtuna waxay la hadashay dowladdii Itoobiya,waxayna ka codsatay inay Idiris ay soo

badbaadiso,kadibna madaxweyne Mangistu Xalayle Maryam ayaa madaxweynihii Kenya la hadlay oo ka codsaday in Idiris

loosoo masaafuriyo dalkiisii Itooboiya,nasiib wanaagna Ididaris oo laba gacmoodba katiinadi kaga xidhan tahay ayaa

Jimcihii laftiisii la saaray diyaaraddii Itoobiya tagaysay,.halkii la qorsheeyay in la sarao diyaaraddii Xamar tagaysay.

 

Maalintaas Idiris lagu xidhay Kenya,waxa uu gacanta ku hayay oo daweynayay ilaa 15 mujaahid oo dhaawac ahaa oo

cusbitaalada Kenya Idiris uu dhigay,kuwaasoo ninkasta uu dhowr kun oo dollar bishii ku bixin jiray.

Idiris u masaafurintaas Itoobiya ayuu Ilaahay geeridii kaga baajiyay,dabadeedna markuu Itoobiya gaadhayba,halgankii SNM

ayuu halkiisii kasii waday,dowladdii Kenyana ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii shirkaddii Idiris iyo hantidii baananka taalayay

ayay xayiraad kusoo rogtay,sida ay dowladaha kelitaliska ahi sameeyaan ayay Kenya sameysay,waxay Siyaad Barre ku

qanciyeen inay shirkaddii Idiris albaabada u xidheen,tujaaraddiisa oo dhanna ay muddo kooban kaga takhalusi doonaan.

Dowladdii Kenya waxay sameyn karaysay oo dhan wey sameysay,dabagal cashuureed,ganaax lacageed,eedeymo kala

duwan iyo dembiyo badan ayay u sameynta Idiris ,ilaa ay la wareegtay hantidiisii maguurtada

ahayd,dhismayaashiisii,gaadiidkiisii ay maraakiibtu ku jireen iyo xoolihii Idiris oo dhan.

o Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye

o Dadka kale ninkiisii waxtara wuu tixgeliyayaaye,

o Idinkuna caqliga taabidka ah waad ku tumataane

o Taako iyo mayl kala fogbaad tu u taqaanaaane

o Libta timmid Jamhuriyadda oo tahan laboobaayo,

o Iskaa wax u tabciyo khaayinimo la isku taageerye

o Waashmaan kollay tahay ninkii taabay meel dheregye

o Tuug daalin iyo caasimada tamar u yeeshaane

o Toorey af badan baad u xidhaan taarig xoogsada e

o Tukaloo ka daranbaa jirtee taana bal aan sheego (Xaaji Aadan Afqalooc)

Hadaba waxan kula dardaarmayaa dowladda dalka jamhuuriyadda Somaliland,inay mujaahid Idiris u furto,warqad

cusub “Special endorsement”,iyada oo waxkasta oo qaranku uu u huri karo Idiris Cusmaan loo hurayo,si ay

halgamayaasha dambe ee dalkooda nafta iyo maalka u huri doono ay ugu daydaan ayna dhiiranayaashu kalsooni

buuxda u helaan oo ay u rkaan inuu dalkoodu maalin uun uu u abaal gudi dooni qofkii nafta iyo maalka u huri difaaca

dadkiisa iyo dalkiisa.

(Sawirkan waa casuumaddii lagusoo Dhoweynayay,ee Summertime ee Mujaahid Idiris Cusmaan Okt.2018kii safka

fadhiya ka bilow midigta, waa Ibraahim Dhegeweyne,Idiris Cusmaan iyo Ibraahim Cige,safka taagan ka bilow

midigta

bidixda

waa

Mujaahid

Cali

Geenyo,Mu

j: Xasan

Guure,Muj:

Daa.uud

Khayre iyo

Mujaahid

kale)

Ilaahaybaa mahad leh

Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)

…………………………………………………………..

COMMENTS
LINKS