Borama (WJN)- Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadley barnaamijka Shaqo qaran iyo faa,idooyinka uu leeyahay iyo qaabka dhalinyarada gobolka Awdal isku diwaan gelin karaan isagoona bulshada ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan Barnaamijkaasi.
Dhinaca kale badhasaabka ayaa ka hadley warar sheegaya in qaar ka mid ah wasaaradaha gobolka Awdal oo la sheegay in ay lacago ku diwaan gelinayaan dhalinyarada kala duwan ee iska diwaan gelinaya Barnaamijka Shaqo qaran, Isagoona ku baaqay in wax lacaga laga qaadi doonin dadka is diwaan gelinaya.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka