Baahida dalka haysa iyo baahida dadka haysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baahida dalka haysa iyo baahida dadka haysa
November 18, 2018 - Written by Reporter:

DAYAXIYO CADCEEDUBA WAA LABA MATAANO AH”

MEERAHAA DUSHEENIYO DULMUSHAAXA SAMADEE”

Inta badan sunaha dadka somalida ayaa ah in marka dawlad cusubi timaado markiiba dhaliilo iyo canaan joogto ah lala boobo, sababtu waxay doonto ba ha ahaatee wallow dhaliilaha wax ha ka jiraane hadana asluubka iyo garnaqsiga shacabku hab iyo hayb ayay lahayd loo sheegto, waxaase waayadan danbe inagu soo biiray technology-da aynu inta badan uga faaiidaysano sidii ninkii ikhtiraacay aanu ugu talo galin, oo ah in cid kastaa gurigiisa dhexdiisa wariye madax banaan ku noqday oo wixii uu doono ka odhanaayo,

Arintani waxay noqotay in awoodii dadka somalida ah hadal gashay,halkay ahayd inay waxqabad noqoto muuqda, dalka baahiyo badan ayaa muuqda dadka iyo dalkuba qabaan,

BAAHIDA DALKA HAYSA

  1. Baahida dalka haysaa waa dadkiisii oo hurdo bacdal casar joogta seexday, sidaad ogtihiin hurdada bacdal casarka waxaa laga qaadaa madax xanuun iyo caajis badan oonad waxba qabsan karayn, taasaa dadkii shacabka ahaa ka muuqata qofkastaa waa daalan yahay wuxuu ku daalan yahayna ma yaqaan, qofkastaa wuu damqanayaa sababtiina ma yaqaan, hadaba baahida dalka haysaa waa taas dadkiisii ayuu dalku u baahan yahay iyo irbadii caajiska laynagaga toosin lahaa si aynu hurdada uga toosi lahayn khayrkeena wax la qaybsan lahayn,
  2. Ta labaadna waa maamul aragti fog inuu ina gaadhsiiyo leh, dabadeedna qorshe sameeya siduu halkaas inoo gaadhsiin lahaa gacan yarayaashiisu kula shaqayn lahaayeen, uma baahnin in kolba kii yimaadaa kii hore raadkiisa yeesho wadankan yar ee aynu ku nool nahay ilaahay ayaa inaga dhaliyey taas macnaheedu waa inaynu u shaqaynaa tamarteena, muuq iyo muunadna u yeelnaa,
  3. Ta sadexaadna waa in dadka aqoonta lagu tuhmaayo la mideeyo loona qaybiyo noocyada aqoonyooda si dalka looga faaiideeyo noockasta oo aqoona,

BAAHIDA DADKA HAYSA

  1. Baahida dadka haysaa waa hadaad qaybisoon qaday waa inaanqataarmaa, haa waa sax in wadanka waxa yaala xil iyo xoolaba la wadaagaa waxaase iyana meesha taala sidee loo qaybinayaa inkastoo aynu si muran iyo buuq markasta ku jiro wax u qaybsano maadaama beelo wax lagu qaybsado, hadana dadku kuma raali ah malaha waxay ku fiicnayd kor ka xaadsi oo aan ula jeedo si gobolaysan,
  2. Baahida labaad waa khayradka aynu haysano in aynu u qaybsano sida ugu saxsan
  3. In marba cida xilka haysaa(madaxwaynuhu) inta ugu yar xukuumadiisa kaga soo daro reerkiisa guud oo dadka kale cabasho tiraa, si cadowgu aanu u helinba god daloolooyin uu inaga soo galo,
  4. Dadka waxaa la ogaaday in hadalka badan iyo muranka joogtada ah ugu wacan tahay shaqo la.aantu, waayo hadii dadkan shaqooyin loo abuuro, may haleeleen ba tarabal badan, iyagoo daalanbay seexan lahaayeen subaxana shaqada gali lahaayeen

Waxaan idinla wadaagi doona maqaalo taxane ah oo xambaarsan aqoon iyo lexejeclo aan ka qabo dadka iyo dalka ba:

C/SAMED XASAN HIRAD

BBA

PG IN ISLAMIC BANKING & FINANCE

COMMENTS
LINKS