Geele iyo Abiy Ahmed oo Kulmay+Jabuuti oo Caddeysay Mowqifkeeda Heshiiska Saddex Geesoodka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Geele iyo Abiy Ahmed oo Kulmay+Jabuuti oo Caddeysay Mowqifkeeda Heshiiska Saddex Geesoodka
November 18, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika, oo Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaadheen.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir laba geesood ah ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka.

Ka dib shirka labada hoggaamiye, Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xidhiidhka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xidhiidh wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yidhi Workneh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.

Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xidhiidhka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaadhay guulaha cusub.

 

WAJAALENEWS.NET

ADDIS ABABA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS