Itoobiya oo Dib U Habeyn Ku Samaynaysa Siyaasadeeda Arrimaha Dibadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Dib U Habeyn Ku Samaynaysa Siyaasadeeda Arrimaha Dibadda
November 18, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u qaabayn ku samaynayso siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa istaraatajiyada ay ku hawlgalayso waxa la dejiyay sannadkii 2002, waxaanay hadda wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya sheegtay inay dib u habayn iyo qaabayn ku samaynayso qaabkii ay ku shaqaynaysay siyasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem, ayaa wakaaladda wararka ee Itoobiya toddobaadkan u sheegay in dib u eegis lagu samaynayo jidkaas ay ku socotay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya 16-ka sannadood, waxaanu sheegay in dib u qaabayntan siyaasadda khaarajiga Itoobiya lagu salayn doono xaaladaha caalamka ee maanta iyo xaaladda gudaha Itoobiya ee wakhtigan.

Siyaasadaas arrimaha dibadda ee Itoobiya ee la dejiyay sannadkii 2002, ayaa waxa ay ku qaabaysnayd oo ku shaqaynaysay ilaalinta ammaanka qaranka Itoobiya.

 

COMMENTS
LINKS